Sunday, May 19th, 2013

Liverpool oo xiiseynaysa saxiixa daafac u cayaara kooxda Feyenoord.

Published on November 30, 2012 by   ·   No Comments

Kooxda Liverpool oo si gaar ah isha ugu haysay daafaca kooxda Feyenoord Stefan de Vrij ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay saxiixiisa inkastoo aan la shaacin wali qiimaha ay ku doonayso xiddigaas.

Kooxda Anfield ku cayaarta ee Liverpool ayaa suuqa ka baadi goobeysay daafaca dhexe iyadoo ay markaan  Stefan de Vrij  mid u qalma inuu kooxda ku soo biiro si uu badal ugu noqdo Sebastian Coates oo mustaqbalkiisa Liverpool shaki la galliyay, maadaama lala xariirinayo Juventus.

Stefan de Vrij ayaa qandaraaskiisa kooxda Feyenoord waxa uu ku egyahay ilaa sannadka 2014-ka waxaana ay Liverpool doonaysaa in bisha Janaayo ay soo xero galliso cayaaryahankaan, tiiyoo ay jirto in ay doonayaan kooxo ka cayaara Jarmalka gaar ahaan kooxda Hannover.

Liverpool ayaa ku dhibaatooneysa la qabsashada horyaalka Ingiriiska oo bilow ah iyadoo kooxda kaalita 12-aad kaga jirto kala horreenta horyaalka Premier League-ga, waxaana macalinka Liverpool Breden Rodgers uu aaminsanyahay in dhibaatada ay ka haysato dhanka daafaca.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook