Lavezzi oo ugu baaqay De Rossi inuu ku soo biiro PSG

November 14th, 2012 by
Home » Horyalaada » Italy » Lavezzi oo ugu baaqay De Rossi inuu ku soo biiro PSG

Lavezzi oo ugu baaqay De Rossi inuu ku soo biiro PSG

Weeraryahanka kooxda Ezequiel Lavezzi ayaa ugu baaqay Daniele De Rossi inuu kula soo biiro Paris Saint-Germain waxaana uu sheegay in si wanaagsan uga helli doono.

Ezequiel Lavezzi ayaa sheegay in uu u xiisay horyaalka Talyaaniga iyo kooxdiisii Napoli balse Paris Sain-Germain iyo horyaalka France in ay xiiso gaar ah leeyihiin.

“xaqiiqdii waan u xiisay Napoli iyo horyaalka Talyaaniga, laakiin Paris Saint Germain iyo horyaalka France iyaguna waa kuwa xiiso badan saaxiibo dhowr ah ayaan ka sameeystay durba” ayuu u sheegay Lavezzi Sky Sport Italia.

Mar wax laga waydiiyay mashiinka qadka dhexe ee kooxda As Roma Daniele De Rossi ayaa waxa uu yiri “waa cayaaryahan la yaab leh waxaan kula talin lahaa inuu halkaan yimaado, sababtoo ah PSG waxa ay mar walba doonaysaa xiddigo tayo leh sida isagoo kale”.

Cayaaryahankii hore ee Napoli Ezequiel Lavezzi ayaa bilowgii sannadkaan ku biiray naadiga lacagta ku fadhido ee Paris Saint-Germain waxaana uu sheegay inuu ku faraxsanyahay la joogitaanka kooxda PSG iyo waliba horyaalka France Ligue One.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>