Labo kamid ah tageerayaasha kooxda kubada cagta ee Roma ee dalka Talyaniga ayaa loo haystaa in ay dil ugaysteen tageero katirsanaa kooxda Tottenham, xili ay ciyarayeenn kulan katirsanaa Europa League oo ay marti u ahaayeen Lazio.
Ciidamada Booliska Italy ayaa sheegay in labo kamid ah tageerayaasha Roma oo lagu kala magacaabo Francesco Ianari, 26 jir ah, iyo Mauro Pinnelli oo 25 jir ah loo qabtay dil loo adeegsaday midi oo loo gaystay taageero katirsan kooxda Spurs oo lagu magacaabayay Ashley Mills
Afhayeen uhadlay booliska ayaa yiri ‘waxaa ay gaysteen dil kadib baaritan la sameeyay ayaana la ogaaday, waxaa ay dilka u adeegsadeen mindi.
Taageerayaasha Lazio oo wata calanka Palestine Garoonka Stadio Olympico
Tababaraha Kooxda Totenham Andre Villas-Boas ayaa ugu yeeray UEFA in ay si deg deg ah talaabo kaga qaado weerarkas lagu dilay mid kamid ah taageerayaasha Tottenham.
Madaxweynaha xariirka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa sheegay inuu ka xun yahay waxii ka dhacay magaalada Rome ee caasimada Italia.
Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha