Wednesday, May 22nd, 2013

Juventus oo kula loolameysa Chelsea helitaanka D. Villa.

Published on November 13, 2012 by   ·   No Comments

Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa ku biirtay dadaalka loogu jiro helitaanka weeraryahank Barcelona David Villa waxaana ay madax u hadashay kooxda Juventus shaaca ka qaadeen inb ay kooxdooda ku soo biirin doonaan weeraryahanka xulka Spain.

Hadal kazoo baxay kooxda Juventus ayaa sheegaya in ay ka dulqaadi doonaan weeraryahankani kooxda Chelsea ee wadanka Ingiriiska oo laacibkaasi raadineysa sidii uu uga mid noqon lahaa kooxda Chelsea ee ku ciyaarta Stamford Bridge.

Sidoo kale waxaa ka mid ah naadiyada doonaya laacibkaasi kooxo ay ku jirto Liverpool iyo weliba Man Utd oo dhamantod sheegay in ay doonayaan in uu ka mid noqdo ciyaaryahanada ka xamaasha Premier League-ga England.

Hadalka kooxaha doonaya Villa ayaa imaanaya xilli uu shaaca ka qaaday xiddigaasi in uu doonayo inuu ka dhaqaaqo kooxda Barcelona walow uu jiro hadal ahaa in aan loo ogolaan doonin in uu ka tago Barcelona oo ka soo yeeray macalinka kooxdaasi Vilanova hase ahaatee Go’aanka waxaa yeelanaya Villa hadii uu doonayo in uu ka tago kooxdiisa iyo hadii uu sii joogayo intaba.

Goolhaye.com Isha Wararka Sportiga Adduunka.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook