Juan Mata “Farxad ayay ii tahay inaan mar kale ka soo muuqdo xulka Spain.”

November 15th, 2012 by
Home » Maxaa Cusub » Juan Mata “Farxad ayay ii tahay inaan mar kale ka soo muuqdo xulka Spain.”

Juan Mata “Farxad ayay ii tahay inaan mar kale ka soo muuqdo xulka Spain.”

Xiddigga kooxda Chelsea Juan Mata ayaa xalay si wayn uga dhex muuqday kulankii xulkiisa ay 5-1 ku xaaqeen xulka Panama, waxa uuna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay ka soo muuqashada marka ee xulkiisa.

Juan Mata ayaa sheegay in ku soo laabashada safka cayaartoyda ee xulka Spain ay sabab u tahay sida uu uga dhex muuqdo kooxdiisa Chelsea sidaas darteed uu uga mid noqday cayaartoyda uu doorto macalin Vicent Del Basque.

“Waa layaab runtii inaan mar kale ku soo noqdo safka cayaartoyda xulkayga Spain, cayaartii xalay waxay ahayd mid xiiso gaar ah leh, xulka Panama awoodiisa ma yarro, sidaas darteed waa intaas wixii aan sameen karnay.” ayuu u sheegay Mata wargeyska AS

“Waxay ila tahay ku soo laabashada Spain waxaa sabab u ah sida aan uga dhex muuqdo Chelsea, waadna ogtihiin horyaalkaas wuu adagyayahay la qabsashadiisa mudo kadibna waan fahmay aniga.”

Mata ayaa si wayn uga dhex muuqday kulankii xallay isagoo dhiibay mid kamida goolashii 5-1 ahaa ee Spain ku martay Spain xulka Panama, balse Mata ayaa kulankii xalay farxad gaar ah u ahayd maadaama uu ku soo noqday safka ciyaartoyda Spain.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>