Falanqeynta Kulanka Barcelona iyo Levente iyo kulamada kale ee Horyaalka Spain

November 25th, 2012 by
Home » Maxaa Cusub » Falanqeynta Kulanka Barcelona iyo Levente iyo kulamada kale ee Horyaalka Spain

Falanqeynta Kulanka Barcelona iyo Levente iyo kulamada kale ee Horyaalka Spain

Caawa ayaa waxaa jira kulamo xiiso badan oo udhaxeeya kooxaha qaar ee horyaalka La Ligaha dalkas Spain.

 

Kulanka isha lagu wada hayo waa kan udhaxeeya kooxaha Levente iyo naduga hogaanka horyaalka haysa ee Barcelona, oo doonays ain ay ka fa’idaysato guul daradii Real Madrid.

Kulankan ayaa kooxda Levante waxaanan haysan wax caqabad iyo dhaawacyo ah waxaana ay diyaar uwada yihiin in ay ciyaaraan kulanka Barcelona

Weeraryahanka  Obafemi Martins ayaa kooxda dib ugu soo laabtay kadib dhaawac kasoo gaaray kulankii ay la ciyaarayeen  Europa League nadiga Helsingborgs, hase ahaatee daafaca midig  Pedro Lopez ayaa ku ganaaxan kadib calaamadii casaanka e lasiiyay kulankii ay 2-0  kaga badiyeen todobaakii hore kooxda  Deportivo La Coruna .

Thiago iyo Adriano  ayaa kusoo labtay tababarka kooxda Barcelona waxaana ay fursad uheli karaan in ay soo fadhiistaan kursiga keydka kulanka caawa.
Sergio Busquets ayaa sidoo kale kasoo labtay ganaax saarna, hase ahaatee Alexis Sanchez, Bartra iyo Cuenca ayaa kooxda ka wada maqnaanaya.

Kooxda Barcelona ayaa shabaqa soo tabatay 39 gool  12 kulan oo uciyaray horyaalka dalkas Spain, taas oo ah record aad uwanaagsan

Ciyaaryahanka garoonka laga daawan doono waxaa uu noqonayaa Lionel Messi  oo ubaahan shan gool oo kaliya si uu usoo bar bareeyo ciyaaryahan  Gerd Muller oo hal sano dhaliyay goolal garaya 85 waxaana ay ahayd xili ciyaareedkii 1972.

Kulamada kale ee dhacaya ayaa waxaa kamid ah:

Espanyol ? – ? Getafe
Athletic Bilbao ? – ? Deportivo La Coruna
Atletico Madrid ? – ? Sevilla

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>