Falanqeynta Dhamaan Kulamadii CL ee la ciyaaray iyo kala horeynta kooxaha “SAWIRO”

November 7th, 2012 by
Home » Champion Leage » Falanqeynta Dhamaan Kulamadii CL ee la ciyaaray iyo kala horeynta kooxaha “SAWIRO”

Falanqeynta Dhamaan Kulamadii CL ee la ciyaaray iyo kala horeynta kooxaha “SAWIRO”

Kooxaha qaar ayay xaaladu ku adkaatay kadib markii ay natiijo wanaagsan ka waayeen ciyaarihii xalay Champion Leage-ka ee la ciyaaray.

Kooxda kubada cagta ee Real  Madrid ayaa ka bad baaday guuldaro kasoo gaari lahayd kooxda Borussia Dortmund ee dalka Germany.

Xidiga da’da yar ee Reus ayaa goolka koobaad ka dhaliyay Real, waxaase soo bar bareeyay ciyaaryahan Pepe oo madaxa kubad la helay.

Kubad uu si wanaagsan ufarsamaysay ciyaaryahan Gotz uuna ku tuuray dhanka goosha ayaa waxaa iska sii dhaliyay ciyaaryahan Arbeloa.

Markii qeybtii danbe la isku soo laabtay Real waxaa ku adkaatay in ay soo bar barayso goolka lagu leeyahay, hase ahaatee waxaa bad baadiyay Mozit Ozil oo dhamaadkii ciyaarta Free kick udhaliyay, waxaana ay kusoo dhamaatay 2-2.

Dhanka kale Kooxda Man City ayaa ku dhawaatay inuu noqoto kooxda isaga harta loolanka loogu jiro koobkan maadaama aysan xitaa hal kulan guul gaarin, kaba sii darane kulankeedii xalay iyada ayaa guul daro ka bad baaday kadib markii labo gool lagaga hormaray.

Ciyaaryahan De Jong ayaa Ajax udhaliyay labo gool qeybtii hore waxaase goolal kale ay Man City ka heshay Yaya Toure iyo Augero.

Tababaraha Kooxda City ayaa sheegay in gool kulaad laga diiday gaba gabadii ciyaarta kadib markii qalad laga galay ciyaaryahan Yaya Toure.

Kala Horeynta Kooxaha

Kooxda Olympiakos Piraeus ayaa garoonkeeda kaga badisay Kooxd Montpellier ciyaar katirsanayd Group-ka B, waxaana kulankaas uu kusoo dhamaaday 3 – 1.

Hase ahaatee kulanka sida aadka ah loo wada sugayay ayaa ahaa kii udhaxeeyay kooxaha Schalke iyo Arsenal, kulankaan kii ka horeeyay Arsenal garoonkeeda ayaa looga soo badiyay.

Ciyaaryahan Theo Walcott ayaa kubad qurux badan dhaliyay qyebtii hore ee ciyaarta kadib kubad uu qalday ciyaaryahan Giroud, Arsenal ayaa sii waday bandhiga goolasha kadib markii uu xidiga weerarka ah Giroud madax la helay goolkii 2-aad.

Waxaase dhamaadkii qeybtii hore ee ciyarta goolkii rajada Schalke udhaliyay K.J. Huntelaar, qeybtii danbana waxaa weerar badan qaaday Schalke halka Arsenal ay inta badan difaac ku jirtay.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa waxaa fursad qaali ah goolhayaha ula tagay ciyaaryahan Theo Walcott kaas oo qasaariyay fursad ay Arsenal kaga badin lahayd Schalke.

Hoos ka Akhri kala horeynta Kooxaha

Kooxda kubadda cagta ee Malaga ayaa sii wada Record-keedii ahaa inaan wali dhinaceeda dhulka la dhigin koobkan CL kadib marki ay xalay ka naxsatay kooxda AC Milan.

Ciyaaryahan Pato ayaa usoo bar bareeyay AC Milan kadib markii ay naadiga Malaga goolkii koobaad ka heshay Eliseu, waxaana lakala helay fursado badan hase ahaatee ma aysan suura gelin.

Dhanka kale Kooxda Anderlecht ayaa  1 – 0 kaga badisay Kooxda Zenit St. Petersburg, taas oo ka dhigaysa in group-kan uu kamid yahay kuwa adag in la sadaaliyo.

Kooxda PSG ayaa ku bar baratay Dinamo Zagreb kadib markii ay kaga adkaatay 4-0 waxaana ay goolasha kaheleen PSG Alex, Matuid, Menez iyo Hoarau, sidoo kale waxaa bar bardhac 0-0 ah ku kala baxay Dynamo Kyiv iyo FC Porto.

Kala Horeynta Kooxaha

  NB: Calaamadda Xidigta ah ee ka muuqata Number-ka Kooxaha waxaa ay dhigayaan in ay soo baxeen

Abdullahi Ahmed Nor
Email: Cabkayare@gmail.com 

Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha Caalamka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>