Falanqeyn: Tababaraha Real oo kahadlay guul daradii kasoo gaartay Betis iyo Natiijooyinka kulamadii dhacay

November 25th, 2012 by
Home » Maxaa Cusub » Falanqeyn: Tababaraha Real oo kahadlay guul daradii kasoo gaartay Betis iyo Natiijooyinka kulamadii dhacay

Falanqeyn: Tababaraha Real oo kahadlay guul daradii kasoo gaartay Betis iyo Natiijooyinka kulamadii dhacay

Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ayaa guul daro aan la tashan waxaa ay kasoo gaartay kooxda Real Betis oo kamid ah kooxaha iska meel dhaxaadka ah ee horyaalka dalka Spain.

Kooxda Macalin Morinho oo kubada islahaysiisay ayaa shabaqa laga soo taabtay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana gool ka dhaliyay ciyaaryahan Benat Etxebarria daqiiqadii 17-aad.

Goolkaas ayay si weyn udifacatay kooxda Real Betis oo marti loo ahaa, waana ay ku guulaysatay, iyadoona ciyaaryahanada Real ay isku dayeen in ay goolal keenaan.

Tababaraha Kooxda Real Jose Mourinho ayaa sheegay in guul darada kasoo gaartay kooxda Betis ay ahayd mid aan la filanayn.

Waxaa uu tilmaamay in waxii dhacay ay dhaceen laakiin ay Real ku ahayd caqabad guul daradii kasoo gaartay kulankii Real Betis.

Waxaa jiray kulamo kale oo katirsan horyaalka dalkas oo xalay la ciyaaray waxaana ay kooxaha ku kala baxeen natiijooyinka hoos ku daabacan.

Rayo Vallecano 2 – 0 Mallorca
Valladolid 1 – 0 Granada
Malaga 4 – 0 Valencia
Betis 1 – 0 Real Madrid..

Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>