Ciyaaryahan Peter Crouch ayaa wajahaya qalliin looga samaynayo ilkaha kadib markii si lama filaan ah ay uga dheceen labo ilkood mid kalana ay xaaladdiisu qatar tahay markii ay isku dheceen mid kamid ah daafacyada kooxda Newcastle oo lagu magacaabo Fabricio Coloccini ciyaartii ay Stoke’s 2-1 kaga badisay Newcastle.
Daafaca reer Argentina ayaa ayaa afka kaga dhuftay xusulka 31-jirka weerarka kaga ciyaara kooxda ku dheesha the Brittania Stadium, xilli ay ku tartamayeen banoone madaxa lala raadsanayay.
‘Peter ayaa rabay in uu madaxa lagalo kubadda balse wuxuu arkay ilkihiisii oo dhulka yaalla islamarkaana uu dakhtarku ka qaadayo dhulka.
‘waxay ahaayeen labo ilg oo dhacday iyo mid jabay kuwaa oo ahaa ilkaha foolasha kore iyo midka jabay oo ah foolasha hoose mid kamid ah.
Crouch ayaa wuxuu u sheegay dhakhtarka kooxda Andrew Dent,in usan ciyaari karin waxaana lagu baddalay ciyaaryahan Kenwyne Jones daqiiqaddii 40th ee ciyaarta .
Crouch ayay ku noqotay mid lama filaan ah sida ay ilkihiisa dhulka ugu daateen waxaana markiiba loo waday isbitaalka si loogu sameeyo qalliin dhinaca ilkaha ah.
Ciyaaryahannada Jon Walters iyo Cameron Jerome oo ku soo booqday isbitaalkii uu yaallay Crouch oo ay agfadhiso saaxiibtiis ayaa ku yiri ” NO KISS” majiro shumis oo hadda waxaad beeshay ilkihii.