Tababaraha Kooxda kubada cagta Man Unitd Sir Alex Fergusan ayaa taalo loogu dhisay banaanka garoonka ciyaraha ee kooxda Unitd ay ku dheesho.
Fergusan ayaa udabaaldagayay sanad guuradiisii 26-aad ee shaqada uu uhayo kooxda Man United, isagoo noqonaya tababaraha ugu mudada dheer ee kooxaha Ingiriiska.
Xaaskiisa macalinka United Lady Cathy Ferguson ayaa daaha ka qaaday taaladan dhererkeeda uu yahay 2.7 Mitir isla markaana ka samaysan mar.
Macalinka oo lahadlayay saxaafada ayaa sheegay in inta badan dadka aysan iyagoo nool arkin taalo loo dhiso lakiin isaga uu nasiib uyeeshay.
Munaasabadii lagu soo bandhigayay taladan ayaa wxaa ka qeyb galay ciyaryahanada kooxda iyo kuwa horey uga tirsanaa sida Eric Cantona iyo Ruud van Nistelrooy.
Gudoomiyaha xariirka kubada cagta dunida Sepp Blatter, lacibkii hore ee United Beckham iyo C. Ronaldo ayaa fariimo muuqaal ah kusoo diray hambalyada ku adan munasabadan.
Goolhaye Isha Wararka Ciyaaraha