Naadiga Chelsea ayaa guul dirqi ah ka gaartay kulankii ay la lahayed kooxda FC Shakhtar Donetsk waxaana guushaas ay kaga mahadcelinaysaa ciyaaryahanka badalka kusoo galay ee Victor Moses.
Chelsea ayaa la hormartay goolka waxaana dhaliyay Torres hase ahaatee waxyar kadib waxaa soo bar bareeyay ciyaaryaan Wiliam, waxaase gool kale Chelsea udhaliyay Oscar, hase ahaatee daqiiqadii koobaad ee qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa soo bar bareeyay isla ciyaaryahan Wilium.
Dhamaadkii ciyaarta waliba kubadii ugu danbeeyay e la taabto ayaa waxaa koorno helay Chelsea, waxaana madaxa si wanaagsan ugu taabtay xidiga garabka ka ciyaara ee Victor Moses kaas oo badal kusoo galay daqiiqadii 80-aad.
Chelsea ayaa ka dhigaysa in ay hogaanka uqabato Group-ka ay ku jirto, waxaase ay isku dhibco yihiin kooxda ay caawa isla ciyaareen.
Juventus ayaa dhanka kale kua bar baratay kooxda Nordsjaelland kadib markii ay 4-0 kaga badisay ciyaar ka dhacday Italy.
Ciyaaryahanadda kala ah Marchisio, Vidal, Giovinco iyo Quagliarella ayaa dhaliyay afartaas gool taas oo kooxda keentay in ay yeelato 6 dhibcood.
Kooxda kubada cagta ee Man United ayaa guul soo daahday ka gaartay kulankeedii Braga kadib markii ay kaga badiyeen 3-gool iyo 1.
Ciyaaryahan Alan ayaa qeybtii hore ee ciyaarta gool rigoore ah ka dhaliyay kooxda United, hase ahaatee tababare Fergusan oo isbadal ku sameeyay qaab dhismeedkiisa weerarka ayaa helay sedex gool oo deg deg ah.
R. Van Persia, W. Rooney iyo Hernandez ayaa dhaliyay sedexda gool ee ay United kaga badisay Kooxda Braga iyadoona kasoo gudubtay wareegii group-yada.
Dhanka kale Galatasaray ayaa 3-1 kaga badisay Kooxda CFR Clug, waxaana ay sedexda gool ka heshay ciyaaryahan Yilmaz.
Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa guul daro aan la filay kala kulantay Kooxda Celtic ee dalka Scotland waxaana looga badiyay 2-1.
Ciyaarayhan Wayambe ayaa dhaliyay goolka koobaad halka Watt, waxaase rajo soo geliyay Barca ciyaaryahan Messi oo dhaliyay goolka kaliya ee ay la timid.
Benfica ayaa dhanka kale 2 – 0 kaga badisay kooxda Spartak Moscow ee dalka ruushka waxaana ay labada gool kaga mahadcelinaysaa Cardozo.
Naadiga Bayer Munich ayaa dhanka kale kaga badisay 6-1 kooxda Lille, waxaana 3 kamid ah goolashaas dhaliyay ciyaaryahan Pizaro, halka Schweinsteiger iyo Kroos ay labadaas gool kala dhaliyeen.
Valencia ayaa iyadana 4-2 kaga badisay kooxda BATE Borisov, waxaana goolasha Jonas, Saldado iyo labo gool oo uu dhaliyay Feghouli.










Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha
Abdullahi Ahmed Nor
Email:-Cabkayare@gmail.com
Waan kufaraxay goolkaa dahabiga ahaa ey dhalisay chelsae
Waxasaa koxlaga yirahda viv scor and torres