Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Schalke oo sheegay in uu aadyo Premier League-ga.

November 6th, 2012 by
Home » Horyalaada » England » Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Schalke oo sheegay in uu aadyo Premier League-ga.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Schalke oo sheegay in uu aadyo Premier League-ga.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda kubadda cagta Schalke ninka lagu magacaabo Jermaine Jones ayaa sheegay in uu doonayo in uu ku biiro horyaalka wadanka Britain laga ciyaaro ee Premier League-ga.

Laacibka reer Mareykan oo la hadlayay The Sun ayaa waxaa uu sheegay in uu jeclaan lahaa in mar uun uu ka mid noqdo laacibiinta ka xamaasha horyaalka dalka England.

Ciyaaryahnkii horay khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda  Blackburn Rovers ayaa waxaa uu sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Horyaalka Britain.

Waxaa uu yiri Jones “waqtigii ugu dambeeyay ee aan u ciyaaray kooxdaasi waxa ay aheyd midii iigu wanaagsaneyd abid waana an ku hamiyaa in aan dib ugu laabto horyaalkaasi”

Schalke ayaa qorsheyneysa in aysan fasaxin xiddigni walow uu isagu yeelan doono go’aank ah in uu ka tegayo kooxdiisa iyo in uu joogayo kedib sanadka 2014-ka oo ku eg qandraaska uu kula joogo kooxd reer Germany.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>