Tababaraha cusub ee Kooxda Chelsea Rafael Benitez ayaa sheegay in ay ka go’an tahay inuu si adag ushaqeyn doono si uu koobab ugu qaado kooxda Chelsea.
‘waxaan doonayaa inaan daacad ahaado hadii aan tan dhaho iyo hadii kale, waa la arki doona. horey ayaan ula ciyaarnay anagoo kasoo horjedna Chelsea semi-final-kii Champions League. hadii aan ahay tageero waxan doonayay inaan arko tababare la dagaalamaya kooxdeyda, ma aanan arkin arintas iyo xushmad daro iiga timaada tageerayasha Chelsea.
‘waxaa jecelahay inan tageerayaasha usameeyo waxa ugu wanagsan, tageerayaasha iyo maamulka waxaa ay doonayaan in lagu guulaysto kulan kasta, mana jirto wax ka muhiimsan waxa ay doonayaan mamulka iyo tageerayaasha
‘tan waa tartan culus, fursadaana waan sugayay waxaana doonayaa isbadal, waxaan doonayaa inan England kasii joogo koox weyn
Waxaa uu sheegay Benitez in tababarihii hore uu shaqo wanaagsan qabtay ’Di Matteo waxa uu sameeyay shaqo wanaagsan xiliyada qaar kubada cagta waxad badashaa tababare si dhaqso ah tasna waa nolosha iska cadiga ah. miyaad aragteen CV-geyga? waxaan haystaa dhamaan koobabka ugu wanaagsna
‘waxan raadinayay fursada ugu haboon ee aan ugu dagaalami karo koob, axba igama gelin xiliga yar ee an haysto, waxan doonayaa inan guulysto kulan kasta, waxaan haystaa ila shan koob oo aan udagaalami karo waana arkayna ugu danbayn waxa dhaca








