Ciyaaryahan Ashley Cole ayaa isaga tagi doona Kooxda ka dhisan Stamford Bridge waxaana ku dhow in ay la wareegto kooxda lacagta haysata ee ka dhisan caasimada France ee Paris Saint-Germain.
Ku dhawaaqidan ayaa waxaa lagu sheegay bogga twitter-ka Paris Saint-Germain kaas oo yiri” Cole, oo aan qeyb ka ahayn kooxda macalin Rafa Benitez-ka Chelsea waxaa uu xagaaga danbe kusoo biirayaa halkan
Qoraalkan oo markii ingiriis loosii tarjumay dhahaya ‘daafaca bidix ee England Ashley Cole will waxaa uu noqonayaa ciyaaryahan katirsan kooxda casaanka iyo Baluuga xagaaga soo socda” qoraalkaas si deg deg ah ayaa meesha looga saaray..
Bogga PSG dhanka bidix waxaa laga saaray qoraalkii Cole.
Hase ahaatee waa ay cadahay in kooxda lacagta badan haysta ee uu layliyo Carlo Ancelotti ay si weyn udoonayso 31-jirkaan daafaca bidix .
Cole ayaa waxaa boorsooyinkiisa Chelsea la qaadan doona Frank Lampard, labadiisa waxaa ay kuk hingoobeen in heshiis dheeraad ah u saxiixaan Stamford Bridge, iyadoo tababaraha cusub ee Benitez uu sheegay in ay kooxda isaga tagayaan dhamaadka xili ciyaareedkan
Cole ayaa usaftay qarankiisa 99 kulan, tan iyo markii uu Chelsea kaga soo biiray Arsenal sanadkii 2006-da waxaa uu ku guulaystay hal horyaalka Premier League ah Afar FA Cup ah iyo Champions League
Lampard, oo isagana uciyaaray qaranka England 93 mar, ayaa CHelsea kaga soo biiray West Ham sanadkii 20010-da waxaana uu yahay ciyaaryahanka sedexaad ee ugu guulasha badan taariikhda Chelsea, isagoo dhaliyay 189 gool waxaana uu saftay 571 kulan