Wednesday, May 22nd, 2013

Arsene Wenger oo gacanta laga saari doono 150 Milyan si uu ciyaaryahano cusub ukeeno

Published on November 24, 2012 by   ·   No Comments

Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa sheegtay in ay suuqa kala iibsiga ciyaryahanada ay gelin doonto lacagta laga helo heshiiska xayaysiinta cusub ee Emirates tas oo la eg £150 million.

Gudoomiyaha Kooxda Ivan Gazidis ayaa sheegay in heshiiskan lasoo gaba gabayn doono dhawaan isla markaana kooxo ay daa’ido badan ka heli doonto.

Emirates ayaa kordhisay heshiiskii xayaysiin ee funaanada Arsenal tas oo lagaarsiiyay  2018/2019 halka sidoo kale ay sii dheereysteen magaca xuquuqda garoonka Gunners ee qaada 60 kun iyagoo ka dhigtay heshiiskooda ilaa 2028Heshiiska 30ka milyan ginni ee ay ku qaadan doonaan xuquuqda magaca garoonka sannadkii ayaana wax ku sii kordhin doona dhaqaalaha sannadka ee Arsenal oo aan koob qaadin tan iyo 2005tii.

Gudoomiyaha Kooxda ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in lacagtas gacanta laga saari doono tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger.

Dhaqaalo badan oo ay Arsenal heshay ayaa sahashay in ay kooxda ka caawiso in ay kasoo guurto garoonka Highbury sanadkii 2005.

Goolhaye Isha Wararka Ciyaaraha

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook