Tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa diyaar u ah in dalab layaableh uu udiro ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara Liverpool ee Sterwart Downing, kaas oo ku kacaya lacag dhan £10million, waxaana uu dukaamaysigaas bilaaban doonaa bisha January.
Wenger oo ay Liverpool ka dul qaaday xidigan sanadkii 2011-ka si uu ubadalo Samir Nasri ayaa hada waxaa uu aamisan yahay in xidigan uu ku haboon yahay Arsenal
Tababaraha haatan haya Liverpool Brendan Rodgers ayaanan doonayn qaab ciyaareedka ciyaaryahan Downing, taaas oo ka dhigaysa in kooxda ay lumiso lacag dhan £20m oo uu kaga soo tagay kooxdiisii hore
Hase ahaatee macalin Wenger ayaa ku qanacsan awooda ciyaaryahankan, waxaana uu sheegay inuu soo iibsan doono
Downing ayaa ka ciyaari kara dhinaca danbe ee daafaca bidix iyo dhanka weerarka kaas oo ay Arsenal dhibaato ka haysato.
Liverpool ayaa laga yaabaa in xiisaha ay uqabto ciyaaryahan Theo Walcott, ay u adeegsato Downing , waxaana Walcott heshiiskiisa Emirates ka dhiman lix bil oo kaliya.
Goolhaye
isha Wararka Ciyaaraha
ok arsenal is the best