Kooxda kubada cagta ee Aston Villa ayaa ku sigatay in ay sedex dhibcood oo nadiif ah ay ka qaadato kooxda macalin Arsene Wenger oo ay ku marti qaadeen Villa Park.
Hase ahaatee waxaa ay kooxda heshay hal dhibic oo kaliya, tas oo soo nooleynaysa rajadii ay ka laheyd in ay kasoo baxdo halka ugu hooseeya ee horyalka
Goolhayaha kooxda Gunners Wojciech Szczesny ayaa caawa ka diiday xidiga Aston Villa ee badalka kusoo galay Brett Holman in uu dhaliyo goolka guusha dhamaadkii ciyarta
Tababaraha Arsenal aya cawa ka yabsaday taageerayaasha kooxda kadib markii uu kursiga keydka ugu dhameeyay Sagna, Vermaelen iyo Wilshere oo kamid ahaa kooxda safka hore ee Arsenal
Horyaalka Germany “ Bundesliga”
Kooxda kubada cagta ee Bayern Munich ayaa caawa kku tumatay nadiga Hannover 96 kadib markii ay kaga badisay ku dhawaad nus darsin goolal ah “5-0|
Javier Martinez, Toni Kroos, Ribery, Dante iyo Mario Gomes ayaa Bayern Munich ukala dhaliyay 5-ta gool ee ay kaga adkadeen kooxda Hannover 96.
Dhanka kale Kooxda Borussia Dortmund ayaa 2-1 kaga badiyay Kooxda Mainz, wxana labada gool udhaliyay Marco Reus iyo Robert Lewandowski
Natiijooyinka kulamadii kale ee dhacay
Greuther Furth 0 – 0 Nurnberg
Mainz 05 1 – 2 Borussia Dortmund
Schalke 04 1 – 1 Eintracht Frankfurt
Wolfsburg 1 – 1 Werder Bremen
Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha