Maamulka kooxda Schalke 04 gaar ahaan agaasimmaha kooxdaas ayaa u sheegay Arsenal in aysan marnaba suurto gal ahayn inay iibsadaan xiddigooda Klaas-jan Huntelaar.
Horst Heldt oo ah agaasimmaha Schalke 04 ayaa hadalkiisa ku macneeyay in aysan Arsenal awoodin lacagta lagu iibsan karo Huntelaar oo uu sheegay in qarash badan ay u baahantahay iibsashada cayaaryahankooda.
Klaas-jan Huntelaar ayaa xaggaaga soo socda xor noqon doona kadib marka  qandaraaskiisa dhammaado, waxaana ay kooxda Schalke 04 doonaysaa in ay heshiiska u cusbooneysiiso tiiyoo jirto in ay doonayaan kooxa waa wayn.
Macalin Arsenal Arsene Wenger ayaa awood loo siiyay in uu isticmaali karo qarashaadka ka soo xarrooda xayaysiinta ay u sameeyaan shirkadda Emirates oo lacag badan ka soo bixi doona.