Waxaa caawa la ciyaaray kulamo kale oo katirsan horyaalka qaarada Yurub ee Champion Leage.
Kooxda kubada cagta ee Man United ayaa garoonkeeda ku marti qaaday kooxda Calatasaray ee dalka Turkiga.
Ciyaarta markii ay wax ya socotay ayaa kooxda martida ahayd waxaa laga diiday gool kulaad ama rigoore, waxaana United ay heshay goolka kaliya ee ciyaarta oo uu dhaliyay Carrick.
Sidoo kale Ciyaaryahan Nani ayaa iska qasaariyay gool kulaad ama rigoore loo dhigay, halka dhex dhexaadiyihii ciyaarta uu rigoore kale udiiday Calatasay , waxaana 90-kii daqiiqo ay kusoo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday United.
Dhanka kale Kooxaha Chelsea iyo Juventus ayaa ku kala baxay bar bardhac 2-2 ah.
Ciyaaryahan Oscar ayaa ahaa geesiaga qeybtii koobaad ee ciyaarta isagoo dhaliyay labo gool oo deg deg ah, hase ahaatee ciyaaryahan Vidal oo ciyaarta isagoo dhaawac dhamaystay ayaa goolkii koobaad udhaliyay Juve.


Xidiga badalka kusoo galay Quagliarella ayaa goolka bar baraha udhaliyay Kooxda Juventus, Chelsea oo qaab ahaan wanagsanayd ciyaarta ayaa sidoo kale waxaa dhamaadkii ciyaarta lagu helay fursad wanaagsan oo uu birta ku dhuftay Quagliarella , Waxaana Chelsea laga diiday ugu yaraan sedex rigoore.
Naaadiga Barcelona ayaa iyadana caawa ka fakatay Kooxda CSK Moscow kadib markii ay iska dhaliyeen shan gool.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3 gool oo ay la timid Barca ayna dhaliyeen Tello iyo L Messi oo labo dhaliyay iyo CSK Moscow oo la timid labo gool Mid kamid aj goolashaasna waxaa iska dhaliyay Alves halka kan kale uu dhaliyay Romulo.
Bayern Munich ayaa 2-1 kaga badisay Kooxda Valencia, halka Shakhtar Donetsk ay 2 – 0 kaga adkaatay Nordsjaelland.
Hase ahaatee kooxda Lille ayaa guul daro aysan filayn oo ahayd 1 – 3 kasoo gaartay naadiga BATE Borisov, sidoo kale Braga ayaa guul daro 0 – 2 kala kulantay CFR Cluj halka Celtic 0 – 0 Benfica ku dhamaysteen.
Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha
[...] Sii Akhrsi Natiijooyinka Ciyaaraha iyo Sawiro KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH. [...]