Kooxda kubada cagta ee Montpellier ayaa daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta gool rigoore ah kaga naxsatay kooxda Arsenal waxaana dhaliyay xidiga Number-ka 10-aad uwata ee Belhanda.

Inkastoo rigooradaas ay muran ka keeneen xidigaha Arsenal, hadana The Gunners ayaa lasoo baxday weerar xoogan oo ay ku qaadeen goosha Kooxda martida loo ahaa.
Ciyaaryahan Podolski ayaa daqiiqadii 16 ee ciyaarta udhaliyay Arsenal goolka bar baraha, waxaana 2 daqiiqo kadib usii saaray xidiga Gervinho.

Ciyaartan oo ay garoonka ka daawanayeen 30,000 oo taageerayaal ah ayaa kusoo dhamaatay 1-2 oo ay guusha ku raacday Arsenal, waxaase gool dhalin waayay xidiga weerarka ka ciyaara ee Giroud oo xalay ka hor yimid kooxdiisii hore.
Dhanka kale Kooxda kubada cagta ee Schalke 04 ayaa ka adkaatay kooxda Olympiacos CFP.
Waxaa ay ciyaarta kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda martida ahayd ee Schalka.
Hada waxaa min 3 dhibcood leh Group-ka B kooxaha Arsenal, iyo Schalka, halka Montpellie iyo Olympiacos ay leeyihiin min 0.
Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha