Kooxaha As Roma iyo Napoli oo isku heystay daafaca bidix ee kooxda Palermo Federico Balzaretti ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan in Napoli ay u daysatay Roma cayaaryahankaa.
Madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa caddeeyay in ay qandaraaskii u kordhiyeen Lorenzo Insigne sidaas darteedna ay ka maarmeen Balzaretti.
“Haddii aan rabbo inaan la saxiixdo cayaaryahan 31 ku dhow waa inaan cayaarsiiyaa ama aan iska dhaafaa gabbi ahaantiisba” ayuu Madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis u sheegay Radio Marte shalay maqribkii.
Aurelio De Laurentiis waxa uu intaa raaciyay ” Isaga Balzaretti ahaan ma doonayo in uu halkaan Napoli yimaado, aniga xataa kuma faraxsani hellitaankiisa”
“Roma way qaadan kartaa Balzaretti, Valon Behrami waan cayaarsiin karnaa gees, sidoo kale waxan haysanaa Hugo Campagnaro isaga qudhiisu meel kale waan cayaarsiin karnaa haddii aan u baahano” Ayuu Yiri Napoli madaxweynaheeda.
Kooxda Napoli ayaa kula hardamaysay As Roma saxiixa Federico Balzaretti oo u dhashay Talyaaniga balse Napoli waxay u muuqataa in ay ka quusatay xiddigaan iyadoo madaxweynaheedu ku celceliyay in ay qaadan karraan Roma.