Tababarraha kooxda Chelsea Fc Roberto De Matteo ayaa sheegay in kooxdiisu ay wali ka horreeyaan labbada Manchester oo cayaartooy wanaagsan haystaan.
De Matteo oo xagaagan ku qarash garreeyay suuqa kala iibsiga cayaartoyda lacag dhan 65 Milyan oo gani ayaa sheegay in wali ay ka horreeyaan kooxaha Manchester United iyo Manchester City.
“Manchester City waxay ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska wax wanaagsana way sammeyntaa sannadkaan, United iyada qudheedu ma yarraysato waxan dhihi lahaa xagaagaan wa ay naga horreeyaan wali”. ayuu De Matteo sheegay.
42 jirkaan reer Talyaani ayaa xagaagii horre ku guuleystay koobka FA Cup iyo Champions League, waxay xagaagan Chelsea la soo wareegtay cayaartoyda Eden Hazard iyo walaalkii Thorgan Hazard, Marko Marin iyo Oscar.