Wednesday, May 22nd, 2013

Alex Song oo ugu danbayntii ku biiray Kooxda Barcelona

Published on August 18, 2012 by   ·   No Comments

Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa ka ogolaatay naadiga Barcelona  in ciyaaryahankeedii qadka dhexe ee Alex Song uu aado Naadiga Spain ka dhisan qiimo dhan £15million.

24-jirkaan qaranka Cameroon ayaa haatan usafray Nou Camp si uu heshiis shaqsi ahaaneed ula gaaro kooxda isal markaana uu tijaabo caadimaad umaro, Arsenal ayaana sidaas ku sheegtay bayaan ay website-keeda soo dhigtay

Barcelona  ayaa iyadana xaqiijisay in ciyaaryahankan Song ay kula wareegeen lacag dhan  19million euros (£15million).

Kooxda  Barcelona warbixinta ay soo saartay ayaa uqorneyd  ”Barcelona ayaa hesiis kala gaartay Arsenal si aan ula wareegno Alex Song oo kusoo wajahan  Nou Camp. waxaana ku baxay lacag dhan 19 million euros

“Ciyaaryananka qadka dhexe ee qaranka Cameroon  ayaa saxiixi doona shan sano oo heshiis ah isagoo intaas qaadan doona lacag dhan 80 million euros.

“Isniinta ayuu mari doonaa tijaabada caafimaadka waxaana intaas kadib uu ku biiri doonaa kooxda guud ee Barcelona si ula qeyb qaato koob raadinta kooxda

Barca oo kulankooda ugu horeeya ee Primera Division la ciyaari doona  Real Sociedad bari oo axad ah ayaa ayaa sidoo kale koobka  la ciyaari doontaa Sampdoria in the Joan Gamper Trophy waxaana koobkaas uu habeenka Isniinta ah ka dhici doonaa  Nou Camp.

Arsenal ayaa weysay xidig kale oo muhiim ah kadib markii jimcihii lasoo dhaafay uu kabtankoodii Robin van Persie aaday kooxda Manchester United, waxaana kulankoodii ugu horeeyay ee galabta ay ku bilaabeen bar bardhac gool la’aan ah.

Goolhaye
isha Wararka Ciyaaraha

 

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook