Qaranka haysta koobka Euro 2012-ka iyo kan aduunka ee Spain ayaa wali hogaaminaya qiimeynta bilaha ah ee FIFA ay samayso.
Spain ayaa ku jirta kaalinta koobad iyadoona xulka England uu kor usoo kacay labo darajo.
Xulka Ingiriiska oo ku haray 8-dhamaadkii Euro 2012-ka ayaa labo darajo kor usoo kacay iyadoo taas ka dhigayso in xulka macalin Roy Hodgson ay dadaal muujiyeen koobkii lagu ciyaarayay Poland iyo Ukraine.
Xulalka Germany iyo Uruguay ayaa wali kujira kalmaha labaad iyo sedexaad ee qiimeynta
Sidoo kale Xulalka Portugal iyo Italy ayaa kor usoo kacay, iyadoona ay hoos udhaceen Netherlands, Croatia, Denmark Brazil
10-ka xul ayaa sidaan ukala horeeya
1 Spain
2 Germany
3 Uruguay
4 England
5 Portugal
6 Italy
7 Argentina
8 Holland
9 Croatia
10 Denmark