Monday, May 20th, 2013

Villas-Boas: Charlie Adam waa inuu raali galliyaa Bale.

Published on July 31, 2012 by   ·   No Comments

Tababaraha kooxda Spurs Andre Villas-Boas ayaa si weyn uga carrooday dhaawaca soo gaaray xiddigooda Gareth Bale kaas oo uu dhaawacay Charlie Adam oo liverpool qadka dhexe uga cayaara waxaana la sheegay in muddo seddex ama afar isbuuc uu garoomada ka maqnaan doono Bale.

Villas-Boas boos ayaa u sheegay Charlie Adam in uu raali galin ka bixiyo dhaawaca uu u geeystay Bale, si niyadda ugu dagto Gareth Bale.

“Waxay ila tahay in Charlie Adam uu si bini’aadamnimo ah u raali galliyo Bale, Laakiin qofka lama qasbi karro waxaana sugeynaa sida arrimuhu noqdaan” Ayuu yiri Tababaraha Tottenham.

Gareth Bale ayaa dhaawac xun waxa uu ka soo gaaray cayaar saaxiibtinimo oo dhex martay kooxdiisa Tottenham iyo kooxda Liverpool taas oo ka dhacday dalka Maraykanka.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook