Tuesday, May 21st, 2013

Vermaelen ayaa aaminsan in Hazard uu noqon karro Messi-ga Chelsea

Published on July 27, 2012 by   ·   No Comments

Daafaca dhexe ee kooxda Gunners Arsenal iyo xulka Belgium ayaa sheegay in Eden Hazard oo ay dhawaan the Blues la soo wareegtay uu noqon karro Messi-ga Chelsea.

Thomas Vermaelen ayaa ku tilmaamay Hazard in yahay mid wax badan ku soo kordhin karra Chelsea wuxuuna sheegay xataa uu noqon karro sida Lionel Messi.

Mar wax laga waydiiyay Hazard walaalkiis wuxuu yiri Vermaelen ”Eden Hazard oo kaliya ayaan aqaanaa, ma aqaano walaalkiis, Edean si fiican baan u aqaanaa markii aan ku wada jirnay xulka waa xiddig qibrad leh tayadiisuna waa heersarre.

”Wuxuu ahaa cayaaryahanka ugu fiican horyaalka France labbadii sanno ee ugu dambeysay, waan u malaynayaa in meel wanaagsan uu ka soo bixi doono” ayuu yiri Vermaelen.

Eden Hazard ayaa Chelsea dhawaan kaga soo biiray kooxda heerka ee Lille ee horyaalka France, waxayna Chelsea sidoo kale keensatay Hazard walaalkiis Thorgan Hazard.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook