Kooxda kubada cagta Tottenham ayaa ugu danbayntii dhamaystirtay saxiixa ciyaaryahan Jan Vertonghen kaas oo kooxda Ajax kaga soo tagay lacag dhan £10million.
Xidigan daafaca dhexe ee qaranka Bilgium ayaa maray tijaabadii caafimaad ee kooxda
25-jirkaan kabtanka u ahaa naadiga Amsterdam ayaa heshiis shaqsiyeed la galay Spurs todobaadkii lasoo dhaafay waxaana uu ugu danbaysn dhamaystiray maanta.
Tababare AVB oo garbaha haysta xidigaha uu lasoo wareegay Sigurdsson iyo Vertonghen (right)
Tottenham ayaa ku qaxiijisay Page-ka ay Twitter ku leeyihiin saxiixa xidigan ’waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku dhawaaqno in Jan-Vertonghen uu dhamaystiray heshiiskii uu kaga soo tagayay Ajax kadib markii uu maray tijaabadii caafimaad.’

‘waxaan ahay 25 jir waxaana dareemayaa in aan diyaar u ahay in aan ciyaaro horyaalka Premier League. waxaan maqlay in macalin Harry Redknapp uu aniga aad ii doonayay in aan uciyaaro Tottenham, laakiin hada Andre Villas-Boas.ayaan la joogaa taasna micno ma keenayso
‘waxaan doonayaa in aan uciyaaro kooxda waxaana rajaynayaa in ay taageerayaasha isoo dhaweyn doonaan.’
Xidigan ayaa kooxda kula soo biiraya laacibka qadka dhexe ee Iceland Gylfi Sigurdsson kaas oo ahaa saxiixii koobaad ee macalinka Tottenham Villas-Boas
Goolhaye
isha Wararka Ciyaaraha