Saturday, May 25th, 2013

Thiago Silva oo ku biiray 10-ka daafac ee aduunka ugu khaalisan “Liiska Akhri+Sawiro”

Published on July 15, 2012 by   ·   No Comments

Kooxda kubada cagta Paris Saint-Germain ayaa lasoo wareegtay mid kamid ah daafacyada ugu adag caalamka kadib markii sabtidii shalay ay dhamaystirtay heshiiska daafacii AC Milan ninka rer Brazil ee Thiago Silva.

Xidigan ayaa ku fadhiya lacag dhan €42 million (£33m) kaas oo la eg lacagtii ay Palermo kaga soo iibsadeen ciyaryahan Javier Pastore waxaana saxiixaas uu xiligan jawaab uyahay kooxaha reer Yurub

Kadib markii kooxda ay lasoo wareegtay Pastore, Ezequiel Lavezzi iyo Jeremy Menez  12-kii bil ee lasoo dhaafay, Thiago Silva ayaa ah daafaca ugu adag ay naadiga lasoo wareegtay.

27-jirkaan ayaa sidoo kale noqonaya mid kamid ah ciyaaryahanadda ugu qaalisan dunida ee ay lasoo wareegto PSG’, waxaana uu saxiixay heshiis mudo dheer ah

Kooxda ayaa qiimaha ay qarash garaysay uu noqonayaa mid ka badan kan ay qorash gareeyeen kooxaha  Real Madrid, Barcelona iyo Chelsea kuwaas oo haysta kuwa ugu badan ee daafacyada ugu qaalisan.

Ciyaaryahanka kaalinta 10-aad ku jira waa DMYTRO CHYGRYNSKIY – oo kasoo tagay Shakhtar Donetsk kuna biiray Barcelona sanadkii (2009) lacag gaaraysa- £19.6m

Xidigan waxaa uu ahaa mid kamid ah xidigaha ugu wanaagsan ee Flop-ka noqday waxaana markii danbe uu ku laabtay  Ukrainian.

Ninkan ayaa waxaa booska kaga hormaray Gerard Pique iyo Carles Puyol kadib markii ciyaaryahan   Yaya Toure uu kooxda ugu soo laabtay isagoo ka ciyaarayay qadka dhexe ee danbe xiligii ay naadiga Barca ku guulaysanay Champions League 2008-09.? Hal sano oo heshiiskiisa ah kadib xidigan waxaa uu saftay 14 kulan waxaana dib loogu iibiyay naadiga Shakhtar lacag garaysa  €15m (£11.7m).

Ciyaaryahanka 10-aad waa DAVID LUIZ - oo kasoo tagay Benfica kuna biiray Chelsea sanadkii (2011) lacag gaaraysa £19.6m

Wiilkan qaranka Brzil aaa kusoo biiray Stamford Bridge waxaana uu xidigan kamid yahay ciyaaryahandda ugu qaalisan ee daafaca ka ciyaara.

Waxaa uu dhaliyay gool kulankiisii ugu horeeyay, isagoo madaxa ku taabtay ciyaar katirsan Horyaalka ENgland oo ay la lahaayeen Manchester United. Waxaa sidoo kale uu daafacan kula guulaystay Chelsea koobkii layaabka ku yimid ee Champions League bishii May.

9. RICARDO CARVALHO waxaa uu kasoo tagay Porto isagoo yimid Chelsea (2004) lacag dhan £21.2m

Xagaagii Chelsea ay keentay daafacan  2004 ayaa waxaa uu kooxdiisa usuurta geliyay in ay qaado sedex horyaalka ah., sedex  FA Cup ah, labo League Cups, labo  Community Shields, sidoo kale waxaa uu ciyaaray kulankii ay Chelsea tagtay Final-ka Champions League , lix sano kadib waxaa uu ku biiray Real Madrid.

8. JOLEON LESCOTT waxaa uu kasoo tagay  Everton isagoo ku biiray  Manchester City sanadkii (2009) waxaana lagu gatay lacag dhan- £24m

Tababaraha kooxda Everton David Moyes ayaa sameeyay mid kamid ah beecii ugu weynaa kooxda kadib markii uu naadiga Manchester City ku qasbay in ay bixiyaan  £24m hadii ay doonayaan Lescott.

Daafacii hore ee Wolves sanadkii 2009 ayaanan nasiib uhelin in uu boos joogta ah kooxda ka heli waxii ka horeeyay intii aan darooga lagu mamnoocin  Kolo Toure bishii December ee sanadkii 2010 -ka waxaana kooxda uu kula guulaystay koobka horyaalka 2011-12.

4= LILIAN THURAM ayaa kasoo tagay Parma kuna biiray Juventus sanadkii (2001) lacag gaaraysa £23.5m

KAdib markii Juventus ay ka iibisay  Zinedine Zidane kooxda Real Madrid lacag dhan €73.5m (£49.5m) xagaagii 2001-ka ayaa kooxda iyadana waxaa ay bixisay lacag badan si ay usoo qaataan daafaca France.

Ninkan ayaa saxiixay Heshiis shan sano ah iyadoo loo diiday kooxda Barcelona ee horyaalka Spain

4= ALESSANDRO NESTA waxaa uu kasoo tagay Lazio kuna biiray AC Milan sanadkii 2002) - lacag gaaraysa £23.5m

Kadib 10 sano oo xidigan uu kusugnaa magaaladda Roma ayaa ugu danbayn waxaa uu ku biiray AC Milan.

Waxaa uu kooxda kula guulaystay laboChampions League, waxaana ciyaaryahankan hareeyay dhaawacyo xoogan, iyadoo booskiisa uu la wareegay  Thiago Silva sedexdii sano ee lasoo dhaafay.

4= PEPE waxaa uu kasoo tagay Porto isagoo yimid Real Madrid sanadkii (2007) lacag dhan £23.5m

Daafacan qadka dhexe ee Portuguese ayaa noqonaya mid kamid ah daafacyada ugu waa weyn Real Madrid waxaana xiligii uu kooxdiisa Porto kasoo tagay laga joogaa shan sano.

4= FABIO COENTRAO oo kasoo tagay Benfica ayaa yimid Real Madrid sanadkii 2011 lacag gaaraysa - £23.5m

Kooxda kubada cagta ee Real madrid ayaa daafacan ka dul qaaday naadiga Chelsea

Ninkan ka dheela daafaca bidix ayaa kubad wanaagsan soo bandhigay koobkii aduunka  2010 World Cup ee South Africa. waxaa uu kooxda kula guulayatsya Horyaalka Spain sanadki lasoo dhaafay.

3. DANI ALVES waxaa uu kasoo tagay Sevilla kuna biiray Barcelona sanadkii 2008 lacag dhan £28m

Ciyaaryahanka daafaca ah ee  Sevilla ayaa ku biiray kooxda Barca xili ay wada xiiseynayeen kooxaha ugu waa weyn Yurub.

Waxaa uu kooxdaas kula guulaystay Uefa Cup waxaana uu ku biiray Barcelona. xidigan ayaa kamid ah daafacyada bidix ee ugu wanaagsan caalamka.

2. THIAGO SILVA  waxaa uu kasoo tagay AC Milan kuna biiray Paris Saint-Germain sanadkan 2012 lacag gaaraysa - £33m

Ciyaaryahankan ayaa sheegay in uu doonayay in uu iska soo joogo Milan waqti dheer ila uu ka noqonayo kabtanka kooxda laakiin sanad kadib xiisihii Barcela ayaa waxaan udhaqaaqay Paris Saint-Germain.

Qorshaha ku biirista PSG ee Silva ayaa waxaa ka danbeeyay Silvio Berlusconi, waxaana lagu qaatay lacag dhan €42m waxaa uu ku biirayaa daafacyada ugu qalaisan caalamka, iyadoo lagu wado in uu halkaas uraaco weeraryahanka AC Milan Zlatan Ibrahimovic.

1. RIO FERDINAND waxaa uu kasoo tagay Leeds isagoo ku biiray  Manchester United sanadkii (2001) lacag gaaraysa £33.1m

Naadiga  Manchester United ayaa ku qarashgaraysay daafacan lacag dhan £29.1m iyadoo kadib ka dhigtay £33.1m kadib mudo sanad ah uu uciyaaray

Waa daafaca ugu qaalisan waxaana kooxda uu unoqday kabtan osagoo kamid ahaa ciyaaryahanadii ku guulaystay Champions League sanadkii 2008, waxaana koobkaas uu kamid ahaa  12 koob oo kooxdiisa  Red Devils uu la qaado.

Goolhaye
isha Wararka Ciyaaraha.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook