Tababaraha kooxda kubada cagta Chelsea Roberto Di Matteo ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahan Daniel Sturridge uu qabo xanuunka meningitis laakiin uu rajaynayo in uu kamid noqdo ciyaaryanhanada England uga qeyb galaya Olympic-kada aduunka
Weeraryahankan 22-jirka ah ayaa mudo todobaad ah la xanuusan cudurkan waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in macalinka kooxda Olimpikada aduunka uu ka tashan doono
Macalin Di Matteo oo kahadlayay hoolka tababarka kooxda ee Cobham ayaa xaqiijiyay in Sturridge uu ku jiray isbitaalka uuna qabo cudurka laakiin wali uu rajaynayo in xidigan uu awood uleeyahay in uu ka qeyb galo ciyaaraha London
“Daniel waxaa uu la xanuusan yahay meningitis, laakiin waan lahadlay isaga waxaana uu dareemayaa wanaag,”ayuu sheegay Di Matteo.
“waxaan doonaynaa in aan la socono xaaladiisa waxaana rajaynayaa in uu soo caafimaadi doono macquulna ay tahay in uu kamid noqdo kooxda koobaad ee Olympics.
“hada waxaa uu ku jiraa isbitaalka laakiin waa uu soo kabsanayaa waana ciyaari karaa’ayuu hadalkiisa raaciyay macalinka Chelsea
Sidoo kale weeraryahankan Sturridge ayaa sidoo kale sheegay in uu doonayo ka qeyb galka Koobka uuna kasoo bogsanayo xanuunka haya.
Bayaan uu soo qaray ayaa waxaa uu ku yiri “kooxda caafimaadka Chelsea ayaa maalin kasta la socda xaaladeyda waxaana dhaqaatiirka iyo kalkaaliyaasha St Mary’s Hospital ay yihiin kuwa dadaal ku jira”.
“mahadsanid waxaan hada dareemayaa caafimaad wanaagsan waaan awoodaa in aan kamid noqdo Olympics.
18-ka Wiil ee macalin Stuart Pearce ee GB squad ayaa isku diyaarinaya ka qeyb galka Ciyaaraha London iyadoona laga yaabo in uu badalo Sturridge.
Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha