Saturday, May 18th, 2013

Robert Di Matteo: Hulk waxaa uu imaanayaa Chelsea

Published on July 5, 2012 by   ·   1 Comment

Tababaraha Kooxda Chelsea ayaa shaaca ka qaaday in aysan kaharin doon doonistoodii ciyaaryahan Hulk.

Xidigan kooxda Porto ayaa si weyn loola xariirinayay Chelsea, waxaana macalinka Kooxda Chelsea Robert Di Matteo uu sheegay in ay ka go’an tahay soo qaadashada xidigan.

“Chelsea wali waa ay ku jirtaa wadahadalka xidigan waana weeraryahan meel wanaagsan kooxda gayn kara, isagana waa uu ogyahay’ayuu sheegay Macalinka Chelsea.

Dhanka kale Tababaraha Kooxda kubada cagta Chelsea Roberto Di Matteo ayaa sheegay in kooxdiisa ay sanadkan samayn doonto isku dayo badan oo koobab ay ku hanan karaan

Tababarahan reer Italy ee 42 jirka ah ayaa loo magacaabay tababaraha joogtada ah ee Chelsea bishii lasoo dhaafay kadib markii shaqadaas laga eryay Andre Villas-Boas oo hada noqday macalinka  Tottenham.

Kooxda ayaa waxaa isaga tagay Didier Drogba iyo  Soloman Kalou laakiin Chelsea waxaa ay keentay kubad sameeyaha qaranka Belgian Eden Hazard oo kaga yimid  Lille iyo xidiga reer Germany  Marko Marin oo kooxda kaga soo biiray Werder Bremen, halka sidoo kale kooxda ay ku dhowdahay in ay la wareegto weeraryahanka kooxda Porto iyo qaranka  Brazilian ee Hulk.

Di Matteo oo ah tababarihii 8-aad ee Milkiile Roman Abramovich Chelsea udhiibo mudo aad ugaaban gudaheed ayaa sameeyay isku dayo badan isagoo kooxda ka dhigtay mid usoo baxda Champion Leage-ka

Waxaa uu sheegay in uu dhanka wanaagsan wax urajaynayo kadib xili ciyaareedkii kooxda soo dhaafay

“waxaan jecelahay in aan isticmaalo koox wanaagsan oo tartami karta’ayuu sheegay macalinkan.

“waxaan haystaa fursad aan kula xariiro ciyaaryahanadda waana sii wadayaa taas’ayuu hadalkiisa raaciyay.

Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha

Readers Comments (1)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook