Ciyaaryahanka bartilmaameedka u ah Chelsea ee Oscar ayaa sheegay in uu udhararayo ku biirida Blues waxaana taas ay ahayd riyadiisa, xidigan ayaa ku fadhiya lacag dhan £25million.
Mustaqbalkiisa Stamford Bridge ayaa bilaaban doona marka uu soo dhamaysto waajibaadkiisa qaranka, waxaana markaas uu saxiixi doonaa heshiiska uu ugu biirayo Chelsea
20-jirkaan kubadsameeyaha ah ayaa si weyn loola xariirinayay Stamford Bridge xagaagan,

Waxaa uu kamid ahaa xidigihii lagu soo bilaabay kulanlkii Brazi 2-0 kaga badiyeen wiilasha Great Britain taas oo ka dhacday garoonka Middlesbrough
Isagoo lahadlayay Wariyaasha ayaa da’yarkan waxaa uu yiri ‘hadii aan aado Chelsea waxaa ay ii noqon doontaa riyadeydawaana koox weyn oo ka dhisan Europe.
‘waan hubaa in muhiimad weyn uu iigu fadhiyo tartanka Olympics, intaas kadibna Chelsea ayay noqon doontaa shaqadeyda”
Oscar ayaa Internacional kaga soo biiray Sao Paulo xagaagii 2009 waxaana uu ahaa dhaliyihii sedexdii gool ee Finalka ay ka qaadeen Brazil qaranka Portugal Koobka qaramada da’dooda ka hooseyso 20-ka sano
Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha