Kooxda New Castle ayaa ku soo biirtay loolanka adag ee loogu jirro saxiixa weeraryahanka kooxda Marseille iyo xulka France Loic Remy kaasi kooxa badan danaynayaan.
New Castle ayaa ku dooneysa Remy 14.5 Milan oo gani waxaana horray u doonayay xiddigaan kooxaha Premier League-ga ka dhisan gaar ahaan Tottenham iyo Arsenal.
Kooxda ku ciyaarta ST James Park ayaa dooneysa in ay badal uga dhigto xiddigaan weeraryahankooda Demba ba oo looga yeerayo dhanka wadanka ruushka.
Loic Remy ayaa kamid ahaa liiska ciyaartoyda xulka France uga qayb galleysay Koobkii Euro ee la soo gaba gabeeyay daba yaaqadii bishii June.