Friday, May 24th, 2013

Mancini oo sheegay in ay ku adag tahay saxiixa Van Persia suuqa kala iibsigana ay ka doonayaan sedex ama afar ciyaaryahan

Published on July 30, 2012 by   ·   No Comments

Kooxda Arsenal ayaa isku dayaysa in ay ceshato ciyaaryahan Robin Van Persia, iyadoo ay walil jirto in kooxaha Manchester ka dhisan ee UInited iyo City.

Sidoo kale The Gunners ayaa hadii ay ceshan weydo xidigan waxaa ay ku fasaxi doonaa lacag gaaraysa  £20million.

Tababaraha kooxda ka dhisan Etihad ee  Mancini ayaa haatan xaqiijiyay in ay xiiseynayaan ciyaaryahanka ayna weydiisteen Arsenal in ay ka iibiyaan

Hase ahaatee Tababaraha reer Italy ayaa yiri “markii aad ka hadalayso Manchester City, Manchester United iyo Juve, aad ayay u adag tahay in aan ka dhex qaado kooxahaas

“dhamaantood waa kooxo Top ah fikirna kama haysto waxa ku dhici doona isaga,  hadii aan helno fursad aan ku qaadan karno ciyaaryahanka waan isku dayaynaa maxaa yeelayn waa weeraryahan halis ah.

“hada waa ciyaaryahan Arsenal ah waxaana ay ila tahay in Arsenal ay tahay koox weyn. ma ahan wax fudud in Van Persie iyo ciyaaryahano kale ay kooxda isaga tagi kaaran .

Tababare Mancini ayaa sheegay in koxodiisa ay qorshaynayso in ugu yaraan sedex ciyaaryahan kala soo wareegto suuqa kala iibsiga kahor inta uusan xirmin.

“uma baahnin  10 ciyaaryahan si lamid ah sidii aan samaynay sedex sano kahor laakiin waxaan ubaahanahay sedex ama ilaa afar ciyaaryahan si kooxda ay unoqoto mid awood leh”ayuu sheegay Tababaraha City

Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook