Tuesday, May 21st, 2013

Lionel Messi oo digniin xoogan udiray difaacyada kasoo horjeeda

Published on July 18, 2012 by   ·   No Comments

Xidiga ku guulaystay abaal marinta ciyaaryahanka aduunka Lionel Messi ayaa uga digay difaacyada in wali uu yahay ciyaaryahan aad uwanaagsan

Weeraryahanka naadiga Barcelona  ayaa dhaliyay 73 gool xiligii lasoo dhaafay isagoo Barca ka caawiyay labo koob tas oo ka dhigaysa 14 koob oo uu kooxda u qaaday Pep Guardiola mudo afar sano ah oo uu joogay.

Hase ahaatee kooxda Barca ayaa wax yar kaga hartay in ay qaado La Liga iyo  Champions League waxaana Messi uu doonayaa in uu garab istaago macalinka cusub ee kooxda Tito Vilanova.

‘waxaa doonayaa in aan isku dayo in aan hormariyo ciyaaraheyga si lamid ah ciyaaryahanyanada kale oo aan kooxda guulo badan siiyo, waxaan rajaynayaa in wali aan sii wadi karo kubad wanageyga, hadafkeygana waa in aan koobab badan qaado”ayuu tilmaamay xidigan qaranka Argintine

Real Madrid iyo Chelsea ayaa diiday in ay Barca qaadato abaalmarinta ugu weyn , waxaana Jose Mourinho kooxdiisa ay qaaday  La Liga halka Chelsea-na ay ku biirtay ciyaarihii kala baxa  Champions League gaar ahaan semi-final-kii tas oo ugu danntii koobka kasii qaaday  Bayern Munich.

‘waxaan rajaynayaa in aaan dib ugu soo laaaba doono guulihii’ayuu hadalkiisa raaciyay xidiga aduunka.

Warming up: Messi and David Villa in pre-season training

‘waan ognahay in ay aad u adag tahay, laakiin wali waxaan ahay dhaawac kadib guul daradii semi-final-kii  Chelsea markaas oo aan qasaariyay  gool kulaad, iyo guul daradii La Liga ee  Madrid garoonka Nou Camp.’

Barcelona ayaa iska ceyrisay tababare Pep, waxaana hada sugaysa howl adag oo ku aadan La liga.

Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha 

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook