Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhow in ay lasoo wareegto xidigga da’da yar ee qaranka Brazil Lucas Moura kadib labo labo ciyaaryahan oo ay lasoo saxiixdeen
Tababaraha Kooxda United Sir Alex Ferguson ayaa lasoo saxiixday Shinji Kagawa iyo Nick Powell oo kuso biiray Old Trafford, sidoo kalana gudoomiyaha kooxda Jim Lawlor ayaa kusugan Sao Paulo si uu usoo dhamaystiro heshiis ku kacaya £25million oo ay ku doonayso kubad sameeyahan.
Lawlor ayaa usafray Brazil Arbacadii lasoo dhaafay si ay usoo qaataan ciyaaryahan Moura kaas oo kamic ah ciyaaryahanadda Brazil ee kulanka saaxiibtinomo ee Olympic-ka la yeelnaya Great Britain waxaana ciyaartaas ay todobaadka soo socda ka dhici doontaa Middlesbrough.

Tababaraha United Ferguson, ayaa sidoo kale sii wada xiisahiisa weeraryahanka Arsenal Robin van Persie ayaa yiri ‘waxaa macquul ah in kooxda ay lasoo wareegto hal ama labo ciyaaryahan oo kale.

Keenitaanka Kagawa iyo Powell oo kooxda ugu soo biiray lacag gaaraysa £16m ayaa keeni karta in ay kooxda qaado horyaalka iyo koobab kale
Ciyaryahan Kagawe ayaa sheegay in uu sugi la’yahay inta uu bilaabanayo horyaalka Ingiriiska uuna ku rajo weyn yahay in uu koobab la qaado United.
‘waan hubaa waa uu ku kori doonaa English bilaha soo socda,’ayuu isna sheegay tababare Ferguson .
Goolhaye
i support Manchester united i think man united will be stong