Madaxweynaha kooxda Internacional ee dalka Brazil Giovanni Luigi ayaa shaaca ka qaaday qiimaha rasmiga ah ee ciyaaryahan Oscar kaas oo lala xariirnayo kooxda Chelsea.
Naadiga Blues ayaa ah kooxda kaga horeysay Tottenham loolaka loogu jiro kubad sameeyaha reer Brazil waxaana kooxda haysata European champions ay miiska soo saartay lacag gaaraysa 25million (£19.8million) oo ay ku doonayso 20-jirkaan
Si kastaba ayaa umuuqdo mid xili ciyaareedkan ku wajahan Horyaalka England
Madaxweynaha kooxda iska leh milkiyada laacibkan ayaa shaaciyay in qiimaha xidigan lagu soo dalbay uu yahay 20million euros (£15.7million).
Luigi ayaa usheegay Radio Gaucha: “waxaan helnay email today maanta laakiin farqi weyn ayaa inoo dhaxeeya
“dalabka inooma wanaagsana anaga sidii aan rajaynaynay. waxaana umalaynaynaa in Oscar uu ka qiimo badan yahay han 20million euros.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ubaahan yihiin oo kaliya in labadao number-ka lacagta si xidigaas ay uga iibiyaan kooxaha doonaya
Oscar ayaa usaftay xulkiisa lix jeer waxaana uu ka mid yahay da’yarta dalkiisa Brazil kaga qeyb galaysa Olympics-ka aduunka
Kubad sameeyahan ayaa Internacional kaga soo biiray Sao Paolo labo sano kahor
Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha