Hulk. Neymar iyo Pato oo lagu soo daray ciyaaryahanadda Brazil kaga qeyb galaya London 2012 Olympics “Liiska Brazil”

July 6th, 2012 by
Home » Horyalaada » Brazil/Argentina » Hulk. Neymar iyo Pato oo lagu soo daray ciyaaryahanadda Brazil kaga qeyb galaya London 2012 Olympics “Liiska Brazil”

Hulk. Neymar iyo Pato oo lagu soo daray ciyaaryahanadda Brazil kaga qeyb galaya London 2012 Olympics “Liiska Brazil”

Qaranka Brazil ayaa magacaabay ciyaaryahanada ka qeyb galaya Olimbikada aduunka iyadoona lagu soo daray weeraryahanka kooxda Porto  Hulk, daafaca garabka ee Real Madrid Marcelo iyo xidiga  AC Milan daafaca dhexe uga ciyaara Thiago Silva waana sedexda ciyaaryahan ee da’da weyn ee uga qeybb galaya  London 2012 Olympics.

Daafaca kooxda Manchester United Rafael  iyo xidiga qadka dhexe ee  Tottenham  Sandro ayaa sidoo kale ku jira liiska macalin  Mano Menezes taas oo kooxdiisa  18-ka nin ah ka dhigaysa kuwa xoogan.

Xidiga 25 jirka ah ee  Hulk, ayaa dhaliyay sedex gool 13 kulan oo kasoo muuqday qarankiisa waxaana uu ka garab ciyaari doonaa  Neymar, xidiga  AC Milan  Alexandre Pato  iyo kan kooxda  Internacional Leandro Damiao.

Up for it: Hulk will help Brazil win their first Olympic titlteMaking the grade: Neymar will appear at London 2012

Liiska Ciyaaryahanada uga qeyb galay Ciyaaraha London Brazil ayaa kala ah.

Rafael Cabral (Santos), Neto (Fiorentina); Alex Sandro (Porto), Marcelo (Real Madrid), Rafael (Manchester United), Danilo (Porto), Thiago Silva (AC Milan), Bruno Uvini (Sao Paulo), Juan (Inter Milan); Sandro (Tottenham), Romulo (Spartak Moscow), Paulo Henrique Ganso (Santos), Oscar (Internacional), Lucas Moura (Sao Paulo); Neymar (Santos), Leandro Damiao (International), Alexandre Pato (AC Milan), Hulk (Porto).

Neymar oo ku jira da’da  20-ka sano ayaa mustaqbal wanaagsan ku leh ciyaaraha kubada cagta waxaana uu dhaliyay 9 gool 18 kulan oo uu saftay

Waxaa ay ciyaar isku lulaysi ah ama saaxiibtinomo ay la yeelan doonaan kooxda uu soo xushay macalin Stuart Pearce ee dallka Ingiriiska.

Goolhaye
isha Wararka Ciyaaraha

One Response to Hulk. Neymar iyo Pato oo lagu soo daray ciyaaryahanadda Brazil kaga qeyb galaya London 2012 Olympics “Liiska Brazil”

  1. rafael Reply

    November 19, 2012 at 1:41 pm

    Love arsenal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>