Kooxda Galatasaray ee ka dhisan horyaalka Turkey ayaa qiratay sida ay u dooneyso weeraryahan kooxda Manchester United Dimitar Berbatov.
Galatasaray ayaa ku horreysa la wareegistaan xiddigaan iyadoo meeska soo saartay lacag dhan £5million is ay u dhammeyso saxiixa cayaaryahankaan.
Weeraryahankaan reer Bulgaria ayaanan ka dhex muuqay kulamadii ay kooxdiisa United cayaartay Xagaagii wuxuuna u muuqdaa in xagaagaan uu ka tagi doono.
Inkastoo kooxo dhowr ah ay doonayaan balse lama xaqiijin wali halka uu caga dhigan doono xiddigaan.