Cilmiga Goal-line ayaa lagu soo biirayay ciyaaraha kubada cagta taas oo noqonaysa go’aan taariikhi ah sida ay sheegeen xariirka caalamiga ah ee FA Board (IFAB).
Labo hab oo ay soo kala saareen Hawk-Eye iyo GoalRef, ayaa la ansixiyay kadib markii ay kulan yeesheen gudiga sharci dajinta ciyaaraha aduunka ee IFAB, waxaana anisixntan ay timid kadib markii koox Saynis yaho ah ay tijaabiyeen qorshahan.
Qaabkan casriga ah ayaa lagu soo tijaabiyay horyaaladda England, Germany Hungary iyo Italy waxaase lagu ansixiyay kadib kulan ka dhacay magaaladda Zurich.
Xoghayaha guud ee ururka ciyaaraha aduunka FIFA Jerome Valcke ayaa sheegay in qaabkan lagu tijaabin doono koobka kooxaha aduunka ee Japan kaas oo dhacaya Bisha December “sanadka soo aadan Confederation Cup iyo koobka aduunka ee lagu qabanayo Brazil sanadka 2014-ka
Valcke ayaa sheegay in FIFA ay ku bixin doonto system-kaan lacag gaaraysa 250,000 US halkii garoonba waxaana looga tagayaa garoonka.
Xoghayaha guud ee FA Alex Horne ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Zurich “waa maalin muhiimad weyn uleh ciyaaraha kubada cagta.
Waxaa uu yiri ”waan aamisanahay in ay maalin weyn utahay kubada cagta kasoo bilow English maanta waa maalin aad muhiim u ah, maxaa yeelay waxaan helnay hamigeenii sanado badan kadib.
“tani waa haysashada qalab casri ah oo caawinaya garsoorayaasha, si ay ukala ogaadaan midka goolka ah iyo kan aan ahayn’ayuu hadalkiisa raaciyay
Qalabkan waxaa lagu soo tijaabiyay garoon kasta waana lasoo dhigay si loo hubiyo in ay shaqeynayaan kahor inta aan si rasmi ah isticmaalkiisa loo bilaabin.
Waxaa uu sheegay in aan loo baahnaan doonin in dib loo daawado muuqaalda ciyaaraha si loo hubiyo in uu gool dhashay iyo inkale maadaama hada uu qalabkan wax kasta kala cadeynayo
Qalabka GoalRef waxa ay sameysay kubad ay ku jirto aalad la shaqeyneysa magnad ku xiran goolka, taasoo hadii kubada ay dhaafto u direysa fariin saacada uu garsooraha xiran yahay oo ay u soo qormeyso “goal”.
Madaxweynaha FIFA ayaa horey usheegay in ciyaaraha kubada cagta ay waa cusub galayaan.
Xulka Ukraine ayaa ugu danbeeyay qarankii laga diiday gool ay garsoorayaasha diideen laakiin markii dib loo daawaday toos loo arkay.
Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha