Ciyaaryahan Junior Hoilett ayaa lasoo sheegayaa in uu ku dhow yahay in uu heshiis usaxiixo kooxda Borussia Monchengladbach, sidaas waxaa sheegtay maanta oo jimco ah saxaafada Germany
Wararka Germany laag helayo ayaa shaaca ka qaadaya in xidigii hore ee Blackburn ayaa uduuli doona dalkaas todobaadkan si uu heshiiska udhamaystiro
22-jirkaaan ayaa waxaa aad uxiiseynayay kooxaha Tottenham, Liverpool, Everton, Newcastle, QPR iyo Reading sidoo kale Blackburn ayaa doonaysay in ay sii haysato
Hase ahaateen Hoilett ayaa si weyn udanaynaya horyaalka Germany waxaana uu ka tagayaa ENGLAND isagoo lacag ku badan doona heshiiska labada sano ah ee kooxdiisa uu ujoogay
Walaalka ciyaaryahankan oo sidoo kale ah ciyaaryahan katirsan horyaalka Germany ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo walaalkiisa oo qaatay go’aan uu ugu soo dhawaanayo qoyskiisa
Goolhaye
isha Wararka Ciyaaraha