Kooxda kubada cagta Liverpool ayaa ogolaatay in ay ciyaaryahanka kashifmay ee Alberto Aquilani kaga iibiyaan Fiorentina lacag gaaraysa £7million, sidaas waxaa soo daabacay Wargayska The People.
Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa ogolaaday in ciyaryahankan uu si deg deg ah ugu celiyo Serie A talyaaniga, uuna soo iibsado ciyaaryahan qadka dhexe ka ciyara
Aquilani ayaa masiibo kala kulmay Liverpool ilaa markii £20m uu kaga soo wareegay Roma sanadkii 2009. waxaana uu la qabsan waayay qaabka kooxda, sanadkii lasoo dhaafayna waxaa uu amaah kula joogay AC Milan
Tababaraha Reds ayaanan wax tix gelin ah siinin intii uu joogay ciyaaryahankan gaar ahaan ciyaarihii saaxiibtinimo.
Goolhaye
Isha Wararla Ciyaaraha