Weeraryahanka qaranka Germany Mario Gomez ayaa ahaa geesiga ciyaarta isagoo labo mar soo taabtay shabqa kooxda Holland oo mar kale xalay guul daro ay soo gaartay.
’Kahor goolasha Gomez ayaa ciyaaryahan Robin van Persie uu ka naxsaday xulka Germany isagoo ku dhawaaday in uu shabaqa soo taabto.
Laakiin xidiga dhaliyaha u ah Bayern Munich Mariuo Gomez ayaa dhaliyay labo gool oo keentay in qeybtii hore ee ciyaarta oo ka dhacday Metalist Stadium lagu kala nasto.


Ciyaartan oo ay daawanayeen taageerayaal gaaraya 38,633 ayaa waxaa kubad wanaagsan soo bandhigay xidigaha Holand inkastoo ay heli waayeen natiijadii ay ubaahnaayeen.
Ciyaaryahan Van Persia ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ay Holand la timid ciyaarta taas oo kusoo dhamaatay waqtigii loogu talagalay 2-1 oo ay Germany guusha ku raacday.
Natiijadda ciyaarta ayaa ka dhigaysa in ay meel xun marayso usoo bixitanka Holland ee wareegyada kale ee Euro 2012-ka maadaama ay kamid ahayd xulalka loo saadaalinayo.
Wiilasha Holand ayaa waxaa ay rajadooda ku xiran tahay in ay goolal badan ka dhaliyaaan kulanka ay Portugal la leeyihiin sidoo kalana Germany uu ka badiyo xulka Denmark.
Hada Waxaa 6 -dhibcood leh Germany halka Portugal iyo Denmark-na ay min 3 dhibic leeyihiin, sidoo kalana qaranka Holland ayaanan la imaan wax dhibic ah









holand mabadinayan ilaa ay iska reebaan dabuurka laharay qaranka ama naadiga reer garmaly ee 10 robin waadabuur waana duq waayeel ah oo ay kadhamaatay
waxaan usheegilahaa bayern munich iyo holand in ay iska fariisiyaan ninkas wax batariha ah