Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa soo saaray xeerka heshiiska Ciyaaryahanada,kaas oo ku aadan qaabka kala iibsiga,iyo dhinacyo badan oo taabanaaya xuquuqda Ciyaaryahanka.
Dabayaaqada bisha May aaya waxaa Furmaaya Horyaalka Heerka Sare ee Dalka Somaliya,waxaana xiriirku sheegay in shirkada Holandese-ka ah ee Green Field oo garoonka dhiseysa ay sheegtay in horaanta bisha May uu garoonku diyaar noqonayo, iyadoo dabayaaqada bishaasna uu horyaalku furmi doono.Waxaa uu horyaalkani noqon doonaa kii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya oo lagu cayaaro garoon International style ah oo la mida garoomada caalamka.
Kadib kulan ay madaxda Xiriirka Kubada Cagta Somaliya yeesheen aya awaxa ay kasoo saareen shuruucdaan:
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta
HESHIISKA CIYAARTOYGA
XILI CIYAAREEDKA 2011-2012
Taar ………/……./………..
Magaca Naadiga / Kooxda ……………………………………………………………
Qofka matalaya ………………………………………………………………. Xilka ……………………………………
Numberka Diiwaanka Naadiga ……………………..
Email ………………………………………………………………………… Tel ………………………………………………
Magaca Ciyaartoyga ……………………………………………………………………………………………………….
Taariikhda dhalashada ……………./…………/…………………. Goobta ……………………………………….
Nooca documentiga Passport no_ ……………………………….ama ID card ……………………………..
Email ………………………………………………………………………. Tel ………………………………………………..
Heshiis u dhaxeeya Naadiga / Kooxda ………………………………………………………….uu matalayo
Gudoomiyaha ………………………………………………………………iyo Ciyaaryahanka
……………………………………………………………………………….. Neynaas ……………………….
Waxaa lagu heshiiyay qodobada soo socda: –
I. WAAJIBAADKA NAADIGA
Qod 1aad
Naadigu waxuu ciyaartoyga kula heshiiyay mudo labo sano ah inuu u ciyaaro mudadaas oo ka
bilaabaneynsa marka heshiiska la saxiixay, haddii mudadu ka dhamaato wuu jadiidsan karaa ciyaartoygu hadii uu doono.
Qod 2aad
Inta lagu gudo jiro mudada heshiiska hadii ciyaartoyga uu doono inuu naadi kale u ciyaaro waa in naadiga doonaya ciyaartoygan uu si toosa ula xariiro naadiga uu markaas ka tirsan yahay
Qod 3aad
aadiga marka uu ciyaartoyga cusub heshiiska la saxiixdo waa inuu ciyaartoyga siiyaa qalab
ciyaareedka uu waajibaadkiisa ku guto
Qod 4aad
Naadiga marka uu ciyaartoyga cusub heshiiska la saxiixdo waa inuu ciyaartoyga siiyaa lacag dajin ah ama soo dhaweyn ah oo dhan ……………………..
Qod 5aad
Naadiga waxuu masuul ka yahay inuu ciyaartoyga siiyo bil walba dhamaadkeeda lacag dhan ……………
Qod 6aad
Haddii naadiga uu ciyaartoyga kula heshiiyay inuu shaqo geeyo waxuu naadiga ku qasban yahay inuu heshiiska shaqo geynta ku fuliyo mudo 30 casho gudahood hadii heshiiska sidaa u dhici waayo ciyaartoyga wuxuu heshiis la gali karaa naadiguu doono
Qod 7aad
Naadiga wuxuu masuul ka yahay daawada ciyaartoyga marka dhaawacyo ka soo gaaraan tababarka,
ciyaarta iyo xanuunada kale mudada uu naadiga la joogo gudaha iyo dibeda
Qod 8aad
Naadiga waxuu masuul ka yahay inuu ceymis galiyo ciyaartoyda mudada tababarka iyo ciyaarta gudaha iyo dibeda
Qod 9aad
Naadiga waa inuu soo fasaxaa ciyaartoyga xili kasta uu qaranka u baahdo sharuud la’aan
II. WAAJIBAADKA CIYAARTOYGA
Qod 10aad
Ciyaartoyga waa inuu tixgaliyaa si adag xeerka iyo nidaamka u yaala naadiga sidoo kale waa inu si
wanaagsan u xafidaa qalab ciyaareed ka la siiyay iyo dhamaan agabyada kale ee naadigu lee yahay ee asaga lagu aaminay.
Qod 11aad
Ciyaatoyga waa inuu si hagar la’aana ugu tababartaa uguna ciyaaraa naadiga uu heshiiska la galay waxaana ka reeban inuu heshiis kale la galo naadi kale isagoon ogolaasho ka heysan naadigiisa
Qod 12aad
Ciyaartoyga waa inuu si fiican u aqristaa una ogyahay fahmaana xeerka iyo nidaamka u yaala naadiga
kadibna waa inuu si adag u dhawraa una fuliyaa xeerka iyo nidaamka naadiga
Qod. 13aad
Ciyaartoy Kasta wuxuu bixinayaa SHs. 100.000.
III. HEESHIS JABIN WAQTIGA OON DHAMAAN
Qod 14aad
Hadii ciyaartoyga uu jabiyo qodobada ku qoran heshiiskan naadiga waxuu xaq u leeyahay inuu soo
wargaliyo xafiiska xiriirka k/cagta si qoraala
Qod 15aad
Hadii ciyaartoyga ay ku cadaato dambiyada lagu soo eedeeyay waxaa la ganaaxi doonaa ciyaartoyga mudo hal sano ah naadiga iyo qarankaba waxuuna magdhaw siindoonaa naadiga hadii ay jiraan wax uu lunsaday ama lagu leeyahay
Qod 16aad
Hadii Naadiga uu jabiyo qodobada ku qoran heshiiskan Ciyaartoyga waxuu xaq u leeyahay inuu soo
wargaliyo xiriirka si qoraala
Qod 17aad
Hadii Naadiga ay ku cadaato dambiyada lagu soo eedeeyay waxaa la ganaaxi doonaa Guddoomiyaha
Naadiga ama qofka sii haya xilkiisa mudo hal sano iyo lixbilood ah waxuuna magdhaw siindoonaa
ciyaartoyga
Qod 18aad
Ciyaartoyaga marka uu saxiixayo heshiiskan waxuu cadeynayaa inuusan ku jirin heshiis kale raalina ka
yahay heshiiskan.
Qod 19aad
Heshiiskan waxaa lagu gali karaa oo kaliya xafiiska xogheynta xiriirka waxaana goob joog ka noqonaya
xogheynta xiriirka
Qod 20aad
Wixii kale ee aan ku cadeyn heshiiskan waxaa go’aan ka gaaraya xiriirka k/cagta asagoo raacaya xeerarka caalami.
Magaca Ciyaartoyga Gudoomiyaha Naadiga Xogheynta Xiriirka
……………………………….. ……………………………… …………………………..
Shaafici Muxuyadiin Abuukar (ISLOW)
Xoghayaha War faafinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta
Anigoo ah gudoomiyaha kooxda elman ahna milkiilaha kooxda elman waxan filayaa qodobadaas inay yihiin qodobo wanagsan qof kastana ku qanci karo walaalayaal waxan idin ka balan qaadayaa inaan naadiga elman oo ah naadiga loogu jecelyahay somaliya inaan dhisi doono qalab sport iyo wax kasta waan keeni doonaa insha,alah ciyartoybadana waan keeni doona waliba ciyaartooy ajaanib ah isuga adinku bye