Tabababaraha liverpool oo sheegay in lagu deg degay qiimihii Andy Carrol looga soo iibsaday Newcastel (Sawiro)

March 30th, 2012 by
Home » Horyalaada » England » Tabababaraha liverpool oo sheegay in lagu deg degay qiimihii Andy Carrol looga soo iibsaday Newcastel (Sawiro)

Tabababaraha liverpool oo sheegay in lagu deg degay qiimihii Andy Carrol looga soo iibsaday Newcastel (Sawiro)

30.March.2012″: Tababaraha Kooxda Liverpool Kenny Dalglish ayaa sheegay in ay ku hingoobeen soo qaadashada Weeraryahan Andy Carroll  kaas oo  £35million  ay kaga soo qaateen Newcastle.

Kooxda Liverpool ayaa ka warqabta in Kooxda  Newcastle  ay samaysay Heshiisyo lala yaabo kadib markii ay weeraryahano badalay xidigaas Demba Ba iyo Papiss Cisse  ay kusoo qaadatay lacag aad uyar oo gaaraysa £9m.

Halka Carroll oo ku fadhiya qiimo aad ubadan waxba kusoo kordhin Kooxda kadib kasoo tagitaankiisii Newcastel mudo haatan laga joogo 14 bil, waxaana ay Kooxda haatan la’dahay weeeraryahano goolal udhaliya, iyadoona Liverpool ay ka hooseyso  11 dhibcood Kooxda Newcastel oo goolal 21 ah ka heshau Weeraryahyanadeeda AFrikanka ah ee Ba  iyo Cisse  xili ciyareedkan.

Heading home: Andy Carroll will play against Newcastle at St James' Park for the first time since his £35m exitTababare Dalglish ayaa aamisan in lasoo saxiixashadii  Carroll ay timid kadib ganacsigii wanaagsanaa ee ay ka heleen Fernando Torres oo ku biiray  Chelsea hadana ciyaaryahanka uusan wali noqon mid kasoo baxa waajibkii iyo hamigii laga lahaa.Tababaraha ayaa sidoo kale sheegay in dadka ay sheegaan wax kasta oo isugu jira in soo qaadashada xidigan ay tahay mid wanaagsan ama xun, laakiin isaga mid uu leeyahay ay tahay in la qabsashada xidigan ay wali waqti ubaahan tahay

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Andy uu ushaqeynayso si adag si uu uhelo niyada Kooxda iyo taageerayaasha oo  ku hingoobay hamigii ay ka qabeen.

Laakiin inta ka dhiman xili Ciyaareedkan hadii Carroll uu isbedel samayn waayo waxaa loo cabsadaa mustaqbalkiisa Anfield waxaana laga yaabaa in Kooxda ay suuqa kala iibsiga ka raadiso weeraryahan kale.

Natural feeling: Dalglish says it is fine for Carroll to be feeling nervousNaadiga Liverpool ayaa guulaystay 7 kamid ah 10-kii kulan taas oo lagu soo bilaabay Carroll sanadkan 2012, waxaana ku jira  Finalkii Carling Cup.

Waxaa uu dhaliyay Labo Gool, sidoo kale waxaa uu caawiye ka ahaa Labo gool oo kale waxaana uu kursiga keydka ku bilowday ilaa 8 kulan ilaa  January, Kooxda ayaa laga guulaystay Shan kulan iyo labo bar bardhac ah.

 

Get it sorted: Dalglish wants his side to bounce back from last weekend's disappointing defeat to Wigan
Daily Mail
Goolhaye
ISha Ciyaaraha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>