MESSI, PELE iyo MARADONA waa kee laacibka ugu mudan.?

March 13th, 2012 by
Home » Maxaa Cusub » MESSI, PELE iyo MARADONA waa kee laacibka ugu mudan.?

MESSI, PELE iyo MARADONA waa kee laacibka ugu mudan.?

Lionel Messi wuxuu iminka noqday laacibkii ugu horeeyey ee abid 5 gool ka dhaliyay kulan rasmi ah oo ka tirsan koobka horyaallada Yurub kulankii ay Barcelona dhulka la sintay kooxda Bayern Leverkusen oo 7-1 laqsiisay si ay booskooda si sharaf leh uga xaar xaartaan wareegga rubuc-dhamaadka ee koobkan.


Messi ilaa hada wuxuu dhaliyay 250 gool 378 kulan oo u saftay Barca iyo Argentina iyadoo ay la yaab tahay inuu 52 gool saxeexay 54-tii kulan ee uu saftay tan iyo bishii Julay ee sanadkii tegey ku darsoo 12-ka gool ee uu durba ku hogaaminayo gool dhalinta koobka horyaallada Yurub ee 2011-12 waa mid la simaya 12-kii RUUD VAN NISTELROOY welina waa ciyaar biloow.

Xidigan oo kubadda dahabka ah Ballon D’or ku guuleystey 3 jeer oo xiriir ah 2009, 2010 iyo 2011 ayaa u muuqda markiisii 4-aadna hanan doona sanadkan hadii aan wax kale dhicin, waayo CAAQILKA GAABANI wuxuu u muuqdaa mid ay ka go’antahay inuu gu’yaal badan goolashiisa iyo guulihiisa sii wado kuwaasoo sacabkii ka dhameeyey taageerayaashiisa (Kolleey anigu ka mid maahiye).

”Caawa waxaanu u joogney mid ka mid ah habeennadii ugu muhiimsanaa ee Messi iyadoo ay daawashadiisu tahay sidii hadiyad lagu gudoonsiinayo oo kale” ayuu Pep Guardiola warfidiyeenka u sheegay ciyaarta kadib isagoo intaa raaciyay inuu Messi iminkaba istaahilo in la abaalmariyo maadaama uu haatan 7 gool uun ka hooseeyo isagoo 24 jir uun ah laacibka ugu goolasha badan kooxda Barca taariikhdeeda oo dhan oo ah Cesar Rodriguez.

Kolleey ma fududa in hal kulan oo koobkan ah 5 gool iyo 4 toona laga dhaliyo waloow lagu doodi karo inaysan kooxda Leverkusen isku aal aalin habeenkaas oo muran-gudeed dhexdooda ka jirey uu kooxda ku furay dhiig sun ah oo ay sambabada ka aarya baxayeen hadaba doodu waxay ka taagan tahay halkee qiimeynta ka gelinaa Messi marka loo eego maqaawiirta waawayn sida Pele iyo Maradona..?


”Sheekadu maaha kaliya 5-leeyda uu caawa nagu shakaalay ee waa shoow uu sanado dhigaayay” ayuu xaqiijiyay Rudi Voller oo ah maareeyaha dhinaca ciyaaraha ee isla kooxda Liverkusen. ”Wuxuu hada faceysan karaa PELE iyo MARADONA” ayuuna raaciyay.
Dad badan baa fikradaa Voller la dhacsan laakiin doodi waxay ka joogtaa in uu Messi wax ku filan qabtay si uu taajka uga tuuro labadan tiir ama midkoodba..?

Muranka ugu badani wuxuu ka dhashaa ma dhalaysnimadiisa dhanka koobka aduunka iyadoo uu PELE 3 jeer ku guuleystey sida 1958-kii, 1962-kii iyo 1970-kii. Maradona ayaa isna koobkan dahabka ah janjalka ku dhegey sanadii 1986-kii.
Marka akhyaar badan baa dabcan si loo garaabi karo ugu doodi doonta inuusan Messi meel la geli karin Maradona iyo Macalin Pele tan iyo inta uu ka xalaaleysanayo koobka aduunka ama uu ugu yaraan wacdaro ka dhigayo kulamadiisa taasoo ah halxiraale furid uga baahan.

Sidaa kuma dhama e waxaa jira muran kale oo kaas ka horjeeda oo laba gees ah, waa midda 1-aade akhyaar baa ku doodeysa in guul caalami ah oo la gaaraa aysan kaliya ku xirreeyn koobka aduunka iyagoo tusaale usoo qaadanaya GOERGE BEST oo aan waqii ciyaarin koob aduun balse ahaa laacib laga banaan fadhiyo iyo dooda 2-aad oo ku qotonta in aanu maanta koobka aduunku lahayn caraftii, cusbadii iyo maraq-digaagii uu lahaa waayihii uu halbeegga rasmiga ah u ahaa kubadda cagta aduunka (Tusaale Kevin Prince Boateng) haatan wuu ka howlgabey ciyaaraha caalamiga tiiyoo ay jirto inuu 24 jir uun yahay welibana marayo halkii ugu sareeysey mihnadiisa ciyaareed si uu ugu gacan banaanaado UCL.

Hadii hadaba uu koobka horyaallada Yurub yahay wacqadda kaliyee maanta sare loo eego Messi mar horuu is cadeeyey welibana kala bar kamuu ciyaarin maalmihiisii ciyaareed (Waa hadii ay wax kastaahi sidan ku socdaan).

Pele ayaa mar la waydiiyay ”Goormuu dhalanayaa Pele kale” Markaasuu yiri ”Ma ogi, balse warshadii hooyadeey iyo aabahay waa la xirey” si kastaba ha ahaatee Pele, Maradona iyo Messi mid kastaahiba ka duwan kan kale balse waxaan la xaqiri karin inay gidigoodba yihiin mudanayaal raad ku reebay maskaxda daawadayaasha kubada cagta muujiyayna inay fara dheer yihiin mihnadleydii kale ee ay kubadda isla qoor qooreysteen balse marka ay timaado in si gaar ah loo magacaabo midkood weligeed ma sahlana in la farmuuqo midkooda ugu mudan xitaa hadii ay MESSI u saaran tahay maanta.

Si kastaba ha ahaatee dood kasta oo tan oo kale ihi waa mid u furan tafsiirro kala duwan, waayo fikirkeenna waxaa saameyn doona jiilka aan ku dhex dhalanay, laacibiinta aanu la dhacsanahay iyo mararka qaar waxa ay dadka aanu ixtiraamno ee lafa gura ama tebiya ciyaaruhu ay arinkan ka yiraahdaan.
Halkan ka daawo qaar ka mid ah goolashii ugu wanaagsanaa PELE
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=8QEmnP48PEc

Halkan sidoo kale ka daawo qaar ka mid ah goolashii MARADONA
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=xLqYiBjX6dk

Halkanna ka daawo kuwii MESSI
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=cZ3xhCLTB6Y
Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto; maxaaji@hotmail.com
Gothenbur, Sweden

3 Responses to MESSI, PELE iyo MARADONA waa kee laacibka ugu mudan.?

  1. Abdijaliil Abdulahi Ali Suarez Reply

    March 14, 2012 at 8:51 am

    Dhamaan aad iyo aad ayaa u mahasanthn bahda goolhaye

  2. Maxamed cabdi rashiid nambula masambiik Reply

    March 14, 2012 at 10:19 am

    Aniga waxaan taageersanahay misse waana kuguuleeysan karyaa boqornimada kubada cagta ronaldo ha dhaco misse guul

  3. c/karin joodax iskuxiraha afraxyaash Reply

    March 22, 2012 at 11:44 am

    Asc wax kaloo iraahdo magaranaayo. Waxaa oranlahaba idinka ayaaba yiri goolhaye aadbaad umahadsantihiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>