Friday, May 24th, 2013

Kooxda Arsenal oo Heshiis Hordhac ah lagashay Ciyaaryahan Lucas Podolski

Published on March 8, 2012 by   ·   1 Comment

Arsenal ayaa umuuqata koox ku guuleystay saxiixa laacibka kooxda Cologne  iyo xulka jarmalka Lukas Podolski

Jariirada Mail Online ayaa sheegtay in kooxda reer Jarmal ee Cologne ay aqbashay qiimo dhan £10.9milion oo ay kooxda Gunners usoo bandhigtay kooxdan

Laacibkaan oo dhowan heshis shaqsi ah lagaaray Arsenal ayaa hadana waxaa heshiiskii aqbashay kooxdiisa taas oo cadeyneysa in xidigaan uu imaan doono London xagaga dambe

Macalinka kooxda Cologne Stale Solbakken ayaa cadeeyay in laacibkaan uu udhamaday dhanka Arsenal uuna bixi doono marka uu dhamado xagagan

Lukas Podolski ayaa markii uu yimaado London waxaa uu saxiixi doona heshiis 4 sano isagoona asbuucii mushaar uqaadan doona aduun dhan  £100,000

Ninkaan ayaa noqonaya midkii ugu miisaanka cuslaa ee uu tababare Wenger soo iibsado labadii sano ee lasoo dhaafay

Readers Comments (1)

  1. mubaarik says:

    sxb waxaan idin odhan lahaa kooxda arsenal taageera hadii kale daawashada ciyaaraha iska daaya kii aan taageeray kooxda arsenal isagaa maalin aan maanta ahayn aynoqon doontaa kooxda kaliya ee uu daawado nabadgalyo




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook