DAGAALKII XIDIGAHA: IBRA V MESSI maxay is dheeryihiin…? (Maxamed Xaaji)

March 29th, 2012 by
Home » Champion Leage » DAGAALKII XIDIGAHA: IBRA V MESSI maxay is dheeryihiin…? (Maxamed Xaaji)

DAGAALKII XIDIGAHA: IBRA V MESSI maxay is dheeryihiin…? (Maxamed Xaaji)

 Messi iyo Ibrahimovic waxay wadaagaan riyada guul wadareed iyo mid shakhsi ah oo ay ka gaareen koobka horyaallada Yurub oo ah tartanka heerka kooxeed ee ugu mudan dunida maanta xitaa hadii ay fartu kusii godan tahay IBRA oo aan weligii koobkan urinin inta badana lagu xanto inuu kadibo kulamada waawayn (Big game flop) halka Messi tiisu ay joogto ”HILIBA WAA NIN WAAYAY IYO NIN DABADA KU WADH WADHAY”.

Ibrahimovic ayaan kulanka ay ciyaarayaan labada kooxood ee AC MILAN V BARCA aan kaliya ka horjeedin kooxdiisii hore oo uu u ciil cunsan yahay balse sidoo kale Messi oo ah maskaxda dhaqaajisa matoorka sida wanaagsan u saliidaysan ee kooxda BARCA iyadoo koodii door xidignimo (Stellar roll) muujiyaaba uu muhim u noqon doono inay kooxdiisu koobku kusii taaq taaqdo.

Labada kooxood ayaa horay isugu arkay heerka wareegyada waloow uu Zlatan kulankii hore dhaawac ku seegay wuxuu ka mid ahaa kooxdii Barca la ciyaartay kulankii 2-aad tiiyoo ay jirtey inuu gool asal ma doorshe ah ka dhaliyay kooxda Barca-se ciyaartu waxay ku idlaatay 3-2 ay Barca ku adkaatay waloow lagu doodi karo inay Milan iyadu isku adkeeysay maadaama ay goolna iska dhaliyeen mid muran dhaliyayna laga dhigay oo rigoore looga dhaliyay.

Hadii ay Milan rajo ka qabto inay Barca wax ka qaado waa inay si gaar ah ula macaamishaa Messi oo durba 12 gool oo rikoor jebis ah ka dhaliyay tartankan waloow aysan Barca Messi qura ahayn waxaa la rumeysan yahay inuu yahay ninka yeeriya casharada kubadeed ee ay kooxdaasi faceed u u dhigto.  Si kastaba waxaa is haya laba ka mid ah laacibiinta ugu waawayn caalamka oo ku hubeysan laba kooxood oo milgo wayn ku leh masraxyada kubadeed ee caalamka. 

”Barcelona waa kooxda ugu wanaagsan caalamka” ayuu qiray Ibrahimovic oo la hadlayay warbaahinta Talyaaniga

”Inaad daawato Messi oo ciyaaraya waa sidii adigoo daawanaya Playstation” ayaa laga hayaa macalinka Arsenal Arsene Wenger oo hadlayay kadib guuldaradii kasoo gaartay isla kooxda Barca oo 2010-kii koobka ka ciribtirtay kooxdiisa Gunners oo sanadkan ku baxday gacanta Milan.

”Waa inaan celinaa Ibrahimovic iyo MILAN si aanu kubadda kaligeen ugu gacan banaanaanno” ayuu dalbaday macalinka Barca Pep Guardiola oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu diirada ku saarayay kulanka labada kooxood ee SANSIRO. ”Waa ciyaar yahan aad u xoogan, gaar ahaan hawada, waana nin aan la qaban karin hadii uu si daacad ah ciyaarta uga qayb qaato” ayuu raacshey Guardiola oo hadalkiisa laga dhadhaminayo inuu Ibra caajisnimo ku tuhmayo taasoo malaha ah sababihii ay isu fahmi waayeen waayohoodii CAMP NOU.

HADABA AAN IS BARBAR DHIGNO GARAADAHA LABADA GAASHAANLE:

LIONEL MESSI

JIR AHAAN
4- Messi wuxuu leeyahay cufis-jiidad hoose (Low center of grafity) taasoo ay u badan yihiin dadka gaagaaban, waana arin ka caawisa inuusan si sahal ah dhulka ugu dhicin sida laacibiinta dhaadheer isagoo taa oo lagu daray xawaare xuf kula dhaafa xarfaanta kasoo horjeeda oo had iyo jeer xakamayntiisa ku xiiqa.

DAACADNIMADA
4- Messi waa laacib kooxeed aan wax dhibaato ah oo ku aadan la dhaqanka asxaabtiisa lagu aqoonin gudaha iyo dibedda garoonka intaba.

FARSAMADA
5- Messi waa laacib gacanta sare leh marka ay timaado taariikhda farsamo ee kubada cagta, hadiiba uu qof ku haystaa jiro.

MUHIIMNIMADIISA KOOXDA
3-Messi iyo goolashiisu waa kuwo micna wayn u sameeya BARCA waloow ay Barca tahay kooxda aduunka ugu wanaagsan isla markaana leh hido iyo dhaqan kubadeed hufan hadana Messi iyo Barca way is bilaan.

DABEECADA IYO DAD LA SOCODKA
4-Messi dabcan maaha ma caroode camal wanaagsan oo aan cidna qaniinin balse wuxuu ceebtiisa ku asturaa isagoo leh adkaysi uu xanaaqiisa ku qariyo. Tusaale ahaan laguma yaqaano qaadashada kaarka cas iyo dagaal foolka lagu diiro kooxaha mucaaradka ah ee ay kooxdiisu ka horjeedo.

ZLATAN IBRAHIMOVIC

JIR AHAAN
5-Zlatan waa laacib jir ahaan qara wayn (Qoor) marka ay timaado dhanka culeyska iyo dhererka intaba.

DAACADNIMADA
2- Labada laacib midkoodna difaac ma jecla laakiin Zlatan inta badan tillaabo uma soo qaado dhanka waaxda dambe ee daafaca waloow uu mar mar is dhibo.

FARSAMADA
4- Zlatan wuxuu inta badan toos u abaaraa goosha laakiin saasooy tahay wuxuu leeyahay farsamo qayrul caadi ah iyo fiiro miisaaman marka loo eego xajmigiisa wayn waayo goolasha uu dhaliyo waxaan ka liidanin kuwa uu dhigo.

MUHIIMADIISA KOOXDA
5- Zlatan aad buu sare ugu kacay tan iyo markii uu xirtey funaanada ROSSONERI oo uu sanadkii tegey la qaaday horyaalka oo ay ugu dambeysey 2004-kii , balse wax badan baa cadeeyn uga baahan marka ay timaado UEFA CHAMPIONES LEAGUE oo ah caqabada iyo hal xiraalaha hor taagan tan iyo markii uu qoor qooreystay kubada heerka xirfadlenimo.

DABEECADA IYO DAD LA SOCODKA
1- Zlatan waloow uu iminka intii hore ka degan yahay oo ay malaha waayuhu akhyaar ka dhigeen misna igu soo orod maaha, mararka qaarna way ka fara baxsataa soo xusuuso kulankii NAPOLI oo garoonka laga cayriyay kadib markii uu dhangalaaso ku dhejiyay daafaca Napoli SALVATORE ARONICA, sanadkii horana waxaa laba jeer la siiyay kaarka cas (Rooso) hadana ma cada inuu kani yahay kiisii ugu dambeeyey.

DHINACA GUULAHA KOOBKA HORYAALLADA YURUB:
Xilliyada ay safteen: Ibra 9, Messi 8.
Goolasha ay dhaliyeen: Ibra 24 gool 73 ciyaarood, Messi 49 gool 64 ciyaarood.
Koobabka ay qaadeen: Ibra 0, Messi 3.
Kooxaha ay usoo ciyaareen: Ibra (Malmö FF, Ajax, Juventus, Inter, Barcelona iyo AC Milan), Messi (Barcelona)

Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto; maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden

2 Responses to DAGAALKII XIDIGAHA: IBRA V MESSI maxay is dheeryihiin…? (Maxamed Xaaji)

  1. liiboy Reply

    March 30, 2012 at 10:33 am

    Waxad moda ninka soo gudbiyay warkan in uu 1dhinac u badan yahay ama dhinac lajiro ben ma ahan messi waa lacib lkn ninkan warka so dabacay wixisa waa tagera nimo ee ma ahan war kudbis uu bahda kuxiran wap kan ugidbinayo hadad mar tahay wariye ama qof sotabinaya war sida uu qof kasta uyaqan waxa wanagsan in adan dhanna ubadan ama adan u danaanin sida muqata warkan waa tagara nimo waxasna walaga ficanyahay hadad tahay qof so kudbinayo war ha noqon mid u badnada 1dhinac ilen bahda kuxiran wab sedka kama helayan markas hadu wabsedku 1dhinaca ubadan yahay wad mahad santihin waxan rajeyna wax badan in laga badali dono

  2. c/kariinjoodax Reply

    April 8, 2012 at 10:39 pm

    Asc soo saaraha hambalyo ayaan leeyahay wali ma’arag wabsidaano kale wax utabiya. Kaliaya raadiyahaa ayaan sidaanooo kae uga dhageesan jiray aadan sabriye ayaa igu soo dhacay qoraalkaan markaan arkay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>