Kooxda Anzhi oo Suuqa kala iibsiga ka doonaysa Fernando Torres

March 30th, 2012 by
Home » Horyalaada » England » Kooxda Anzhi oo Suuqa kala iibsiga ka doonaysa Fernando Torres

Kooxda Anzhi oo Suuqa kala iibsiga ka doonaysa Fernando Torres

Weeraryahanka Kooxda Chelsea Fernando Torres  ayaa waxaa lala xariirinayaa Kooxda lacagta Hodanka ka ah ee Dalka Ruushka ka dhisan Anzhi.

Xidig kamid ahaa Ciyaaryahanadii ku guulaystay Koobka aduunka ayaa isku dayaya in Milkiilaha Kooxda Chelsea uu tuso waxqabadka Qiimihii looga soo iibsaday  Liverpool ee £50m ahaa Bishii January 2011.

Waxaa uu kusoo bilowday Afar kamid ah lixdii kulan ee uu Kooxda tababare u ahaa  Roberto Di Matteo waxaana uu dhaliyay kaliya labo gool oo uu ka xaqiijiyay Kooxda qeybta labaad ee Horyaalka England ka dheesha ee Leicester.

Heading away? Fernando Torres is a target for AnzhiLaakiin hadii  Torres  xili ciyaareedkiisa  Stamford Bridge uu ku dhamaysto sidan waxaa laga yaabaa in Kooxda Anzhi ay fursad uhesho in ay la wareegto xidigan qaranka SpainTababaraha Kooxda Ruushka ka dhisan Guus Hiddink  ayaa suuqa kala iibsiga ka day dayaya Ciyaaryahan Weerar qad dhexe ah  waxaana sidoo kale uu isha ku hayaa  Didier Drogba iyo Emmanuel Adebayor — iyo xidiga kale  Torres  oo haatan soo galay Liiska ciyaaryahanada Kooxda ay doonayso.Anzhi  ayaa xidigan ku quudaraynaysa aduun lacageed oo dhan £35m taas oo ay u aragto qiimaha ugu dhow ee ay xidigii hore ee Atletico Madrid kaga qaadan karto Chelsea.

‘Waan qiimayn doonaa qiimihiisa bilaha soo socda,’ sidaas waxaa sheegay Wakiilka ciyaaryahanka Antonio Sanz oo lahadlay  pagineromaniste.com.

‘Fernando Waxaa uu haystaa Afar sano oo dheeri ah oo uga harsan Heshiiskiisa Chelsea, xaaladana waxaa ay noqon doontaa sida ay Chelsea ku qiimayso”ayuu hadalkiisa raaciyay

Isha Warka: Dailymail

Goolhaye
Isdha Wararka Ciyaaraha 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>